1 min read

Sii kululaanshaha badda oo laga soo saaray digniin.

Sii kululaanshaha degdega ah ee badaha adduunka, ayaa ka walaaciyay saynisyahannada, iyadoo taasi ay sii ku kordhisay kulaylka caalamiga ah.

Bishan, oogada badda caalamiga ah, ayaa gaartay heerkul sare oo cusub. Weligeed sidan uma kululaan, waliba iyadoo ay xawaare deg deg ah ku noqotay sidani.

Saynis yahanadu si buuxda uma garan sababta ay tani u dhacday.

Laakiin waxay ka walaacsan yihiin, marka lagu daro dhacdooyinka kale ee cimilada, heerkulka adduunku, ayaa wuxuu gaari karaa heer cusub dhamaadka sanadka soo socda.

Khubaradu ayaa waxay rumaysan yihiin in dhacdo cimilo oo xooggan oo lamid ah El Niño – taasoo ah hannaan cimilo oo kululeeya badda – ay sidoo kale dhici doonto bilaha soo socda.

Diirimaadka Badweynta, ayaa waxay dili karaan noolaha ku dhex jira badda, waxay u horseedi kartaa cimilo aad u qalafsan.

Waxay sare u qaadi kartaa heerka badda. Waxay sidoo kale aad ugu fiican yihiin inay nuugaan gaaska, gaar ahaan kuwo sida macmalka lagu koriyo ee kululeeya meeraha.