1 min read

Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Sweden oo ka hadlay tayeynta adeegyada garsoorka dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan mujiim ah la qaatay Safiirka Safaarada Mr. Per Lindgarde, Madaxa hurumarinta Mashaariicda Mr. Petra Smitmanis Dry iyo Lataliyaha sare ee sareynta sharciga (rule of law expert) Ms. Sophie Omoro.

Wasiirka Cadaaladda oo uu la socday Lataliyaha sare ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda Mr. Ibraahim Cabdullaahi Aadam,waxa ay kala hadleen madaxda Safaaradda xoojinta wadashaqeynta iyo garab-istaaga bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.

Labada dhinac,waxa ay isku raaceen in Safaaraddu ay qeyb muhiim ah ka qaadato dar-dar galinta iyo taageeridda Mashruucyada lagu tayeynayo Sare u qaadista adeegyada Cadaaladda ee Dalka.