1 min read

3 dal oo EU ah oo wada mamnuucay raashinka UKraine .

Wasaaradda Beeraha ee Hungary ayaa ku dhawaaqday “mamnuucid ku meel gaar ah” oo ku saabsan soo dejinta badarka iyo miraha saliidda ee Ukraine, iyada oo la daliishanayo jiritaan la’aanta hannaan “macno leh” oo ay EU ku ilaalinayso “xasilloonida suuqa” oo ay ku qulqulayaan raashinkan rakhiista ah ee Ukraine.

Xukuumadda Hungary way “ka go’an tahay ilaalinta danaha bulshada beeralayda ah ee Hungary,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay fiidnimadii xalay, iyada oo ku dhawaaqday mamnuucid ku-meel-gaar ah illaa Juun 30.

Budapest waxay rajaynaysaa inay taasi siin doonto Brussels “waqti ku filan oo lagu soo bandhigo nidaam macnaysan oo waara oo Midowga Yurub uu dib ugu eegayo dabeecadda cashuur-la’aanta buuxda ee raashinka ay soo dhoofinayso Ukraine.

“Raashinkan canshuur dhaafka loo sameeyey ee Ukraine waxay ka dhigaysaa mid aan suurtagal ahayn in beeralayda EU ay la tartamaan, ayuu yiri Wasiirka Beeraha, István Nagy, oo sharraxaya “tallaabooyinkan aan caadiga ahayn.”

Dhanka kale, Poland ayaa waxay iyana soo rogtey xannibaado la mid ah tan Hungary horraantii isla Sabtigii shalay, iyadoo sidoo kale tixraacaysa baahida loo qabo in la ilaaliyo beeralayda maxalliga ah, taasoo aad uga caraysiisay Kiev.

Tillaabo kale Jimcihii, Slovakia ayaa waxay mamnuucday habaynta iyo iibinta badarka Ukraine, iyada oo sheegtay inay ku aragtay sun cayayaan khatar ah oo horay lagaga mamnuucay Midowga Yurub raashin 1,500-tan ah oo ay soo dhoofisay Ukraine.

Ukraine ayaa arrintan ka xumaatay iyadoo si gaar ah furka ugu xoortay Poland oo ay sheegtay inay bishan heshiis la gaartay.