2 mins read

Yaa amray ciidamada la geeyey Magaalada Baladweyne?

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yusuf Ahmed Hagar Yusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada loo baahanyahay in ay sii joogaan gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Ali Guudlaawe.

Kulan shalay ay yeesheen Golaha waziirada ayay oga hadleen ciidanka dhawaan la geeyey magaalada Baladweyne oo ay dowladdu sheegtay in ay aysan waxba kala socon, waxaana uu golahu amray in taliyeyaasha ay ciidanka kusoo celiyaan furimahooda oo laga soo saaro magaalada Baladweyne.

Balse madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa mar uu waraysi siiyey BBC da waxaa uu sheegay in ciidanka ay u baahanyihiin waxaana uu yiri

”ciidamada waxaan u arkaa wax loo baahnaa oo dawladda Hirshabelle ay u baahneed oo cadowga Soomaaliyeed iyo cadowga Hirshabelle ay wax ka qabtaan iyagoo kaashanaaya kuwii horay u joogay waxayna sifaynayaan jidadka.” ayuu yiri.

Hasayeeshee waxaa ilaa iyo haatan lagu jahwareersanyahay cidda amartay ciidanka laga dajiyey magaalada Baladweyne . Laakiin Yusuf Dabageed ayaa ku adkaysanaya in lasoo kordhiyo halkii la celin lahaa kuwii horay loo keenay.

”anaga ayaa dowladda Soomaaliya ka codsanay, Madaxweynaha Hirshabelle iyo aniga ayaa isla ogaa, waana ay ku mahadsantahay dowladda sida ay oga soo jawaabtay dalabkeena waxaana leenahay noo soo badiya”

.
Qoraalka sawirka,Baladweyne

Dhanka kale Waziirka Gaashaandhiga Dowladda Feredaalka Soomaaliya Abdulqaadir Maxamed Nuur oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in aan ciidamada lasoo celin doono oo aan loo soo marin dariiqa saxda ahaa. waxaana uu yiri

”ma jirto cid naga dalbatay in aan u dirno ciidamada xooga dalka, xukuumad ahaana nalooma soo gudbin. Ciidamadaasi sifada ay oga baxeen xiryahooda oo ay meeshaas ku tageen waa sifo uu mugdi badan ka muuqdo, dareen badanna dhaliyey. Maadaama uu dareen dhaliyeyna waxaa waajibaad inaga saaranyahay in aan xal ka gaarno.”

Hadaba madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle xageey ka dalbadeen ciidanka ku sugan Baladweyne waakan Yusuf Dabageed madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ka jawaabaya.

”Soomaaliya madaxweyne ayay leedahay isaga ayaana ah taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka ah Soomaaliyeed, dabcan Madaxweynaha Hirshabelle waxaa uu arimaha ciidamada kala Macaamilay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.”

Masuliyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iyo siyaasiyiin kale ayaa siyaabo kala duwan oga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo.

Xigasho:BBCSomali