2 mins read

Allaah- Haa. God & Dio Maya.

Saaxiibkeey waxaan wada eheyn Xer wax ku wada barato Hal moowlac. Muddo kadib waxa uu aaday Dalka Talyaaniga kadibna Ingriiska. Hadda waxa uu ku soo Noqday Xamar.


Saaxiibkeey Marka uu arko wax uu la yaabo, waxa uu yiraa: “Oh, my God”. ama ” Dio mio”. taa oo u ah Halheeys caadi u ah. waan ku dhibasady. waxaan ku iri: Saaxiibo Hal Codsi ayaan kuu soo jeedinaa oo ah Hal heyskaan iska dhaaf. waxa uu igu yiri: waan kaa Aqbalay ee Sababta aad iigu diidee ii sheeg.
waxaan ku iri: waxaad uga jeedaa “Allaah”, laakin Anagu ma qabno “Allaah” la yiraa “God”. Dadka Ingriiska ayaa aaminsan in “God” uu Abuuray, waxa ey Aaminsanyihiin in “God” uu dhalay Wiil. Annagu ma aaminsan In Allaah uu wax dhalay, taa oo Diinta ayaa looga baxayo. Kalmadda “God”, Haddii aad Gadaal gadaal u akhriso waxa ey noqonee, “Dog” oo ah Eey. Talyaaniga ayaa yiraa ” Mio Dio” Annagu ma qabno “Dio”, haddii Gadaal gadaal loo akhriyo waxa ey noqonee “Oid” waana kalmad Dhaqaalaha lagu isticmaalo dhinaca Qiimaha. ama waa Xafiis ka shaqeeyo wada hadalada Diimaha ” (Office of Interfaith Dialogue) ” Oid.
Yuhuudu waxa ey Aminsanyihiin ” Yahweh” in uu Dunida uumay. Orthodox kuna “HaShem”. Diinta Sikhuna waxa ey Aminsanyihiin in uu Dunida Uumaay “Akhal Murat”. Hinduguna- “Shiva”. Buddism-ku ma aaminsano in Cid gaar ah ey Dunida uuntay, Lakin “Buddha” ayaa u ah.
Annagu waxaan nahay Muslim, waxaan Aaminsanahay Magaca “Allaah” oo uumay Dunidaan lehna 99 Sifo.
intii aad dhihi leheyd “may God” iyo “mio Dio” oo ah magacyo Gaaladu ey ula bexeen Rabiga ey Caabudaan, taa oo ah in aad Qireeyso in “God” iyo “Dio” ey yihiin magacyo aad ugu hal qabsee Awood Alla nimo, taa oo Dambi ah. Haddii aad wax la yaabtid maad iska dhahdid ” Yaa Allaah”.
Codsi:
Saaxiibkeey, waa iga Aqbalay. Adigana waxaan kaa Codsanaa in aad iga aqbashid haddii Hal kudhag ey kuu aheyd, “may God” ama “Dio mio” oo aad ku bedeshid “yaa Allaah”. waa iga codsi.
FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir.