1 min read

Wadahadaladii u socday Madaxweyne Deni & Agaasimihii PSF oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Waxaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaana la sheegay in is-faham la’aan uu ku dhammaaday kulankaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa isimo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana xogaha la helay ay sheegayaan in, iyada oo aan wax go’aan ah la gaarin lagu kala tegay.

Xogaha ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni uu ka dalbaday Maxamuud Diyaano in uu aqbalo xilka qaadistii lagu sameeyay ee Agaasimaha PSF, islamarkaana xilka wareejiyo, kadibna loo fulin doono wixii uu rabo, balse taasi uu diiday, isaga oo dalbaday in la fuliyo go’aankii u dambeeyay ee Isimada, kadibna la xalliyo wixii khilaaf ah ee jira.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in markale lagu balamay in Gelinka dambe ee Maanta ay markale yeesheen Madaxweyne Deni iyo agaasimaha PSG kulan ay Albaabada u xiran yihiin si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya.