1 min read

Cusmaan Tahliil “Waxaan u sheegnay Ra’iisul wasaaraha inuu soo dhiso xukuumad tayo leh…”

“Waxaan maanta kulan laqaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaana ka wada-hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin Amniga, Caddaaladda, isla xisaabtan, Dib u hishiisiin guud ee dalka ka dhacdo iyo in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, iskuna dheelli tiran si ay dalka ugu jiheeyaan dhabada saxan.

Sidoo kale waxa aan lawadaagnay talooyin, aragti iyo qoraal laga soo aruuriyay Bulshada Rayidka oo ku aadan sida loo sixi karo loona sameen karo dib u habeen arrimaha cadaaladda, amniga iyo in la helo isla xisaabtan. Waxaan kaloo ka wada hadalnay sida looga shaqeyn lahaa arimaha dhaqaalaha, dhisidda heykalka dowlad nimada, dhismaha golaha degaanka, ka qayb galinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweeyay soo jeedintaas ku aadan sida loo soo celin lahaa kalsoonida shacabka oo ay ku qabaan dowladnimada iyo sida ay ugu wada shaqeen lahaayeen amniga dalka.