1 min read

Ciyaaryahan Pogba oo dib ugu biiray kooxda Juventus.

Ciyaaryahanka Paul Pogba, ayaa si bilaash ugu wareegay kooxda Talyaaniga ee Juventus, kadib markii uu dhamaadey heshiiskii uu kula jooggay kooxda Ingiriiska ee Manchester United.

29 sano jirkan, ka ciyaara qadka dhexe kana soo jeeda dhankaa iyo dalka Faransiiska, ayaa laba jeer kula guuleystay horyaalka Serie A kooxda reer Talyaani.

Markaa kadib, waxa uu lacagtii ugu badneyd oo gaareysa 68 milyan oo Giniga Ingiriiska, oo aheyd rikoorka adduunka ugu soo wareegay kooxda Manchester sanadkii 2016-kii.

Waxa uu u duuley magaalada Turin Jimcihii, si uu isu dabiibo, kahor inta lagu dhawaaqin heshiiska maanta oo ah Isniinta.

Ciyaar yahan Pogba umuusan ciyaarin/safan kooxda Manchester United, tan iyo bishii ina dhaaftey ee April, ka gadaal markii uu dhaawac kasoo gaarey muruqa.