40 views
|

AMISOM waxay canbaareyneysaa dilka xubin Baarlamaanka Soomaaliyeed ka mid ah

amisom-logo

WAR SAXAAFADEED

21ka April 2014 – U Qeybsanaha Gaarka ah ee Gudoomiyaha Ergada Midowga Afrka ee Soomaaliya, Ambassador Mahamat Saleh Annadif wuxuu aad u canbaareynayaa dilka Mudane Isaak Mohamed Rino oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliyeed dilkaasoo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Isaak Mohamed ‘Rino’ waxaa lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday gaari markuu galay gaarigiisa dibada Bangiga Salaam degmada Xamar Weyne dhexdeeda.

Xubinkan Baarkamaanka waxaa kale oo la socday nin kale oo isagana xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mohamed Ali si xuna loogu dhaawacay weerarkaas is qarxinta gaariga.

“Xubnaha Baarlamaanku waxay matalaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkasta oo lala beegsadana waa weerar loo geystay shacabka, wax la aqbali karana ma aha. AMISOM waxay sii wadi doontaa taageeradeeda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed dadaalkeeda ku aadan la dagaalanka xag jireyaasha kuwaasoo dan ay ugu jirto inay laayaan dadka rayidka ah”

AMISOM, tacsi kal iyo laab ah waxay u direysaa qoyskii uu ka baxay, saaxiibadiisii iyo dowlada Federaalka Soomaaliya bixitaankaas Isaak Mohamed Rino oo khasaaro ah, waxayna u rajeyneysaa caafimaad deg deg ah kii dhaawacmay Mohamed Ali.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1248

Posted by on Apr 21 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Archives

M_aweys_mudey M_aweys_mudey M_aweys_mudey

Recently Commented

  • RUNSHEEG: XAMAR NINKII NECEB OO JECEL BURBURKEEDA NACADA RABBI HA KU DHACDO, ADUUN IYO AAKHIRO ALLAAH HA SEEJIYO...
  • hassan: asc walaalayaal ka daaya xayeesiinta aad u sameeneysaan dadka xun xun ee diinta ka baxay.
  • koofurgalbeed: Dhulbahantoow intaad daarood daba orod iyo jubalan xaqdaro kutaageer ku jirtaan ogaada in aad...
  • Caarif Dulceyneyn: Ceebtaada haddii in badan uu Ilaah asturo, markaad ka joogsan weydo daaha ayuu goor dharaar ah ka...
  • Caarif Dulceyneyn: Xaadoole waa geesi aan garab laheyn kana dhashay reer aan gargaar iyo garasho xun ee Ilaahay ha u...