1 min read

WAR CUSUB: DFS oo jebineysa amar ka soo baxay Daacish

Suuqa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ayaa muddo maalin ka badan albaabada loo laabay goobaha ganacsiga waaweyn sida bakhaarada iyo mehradaha kale kaddib markii ururka Daacish uu ku soo rogay inay ganacsatada bixiyaan lacago canshuur ah.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay go’aansadeen inay goobahooda ganacsiga xiraan bacdamaa aanay bixin lacagta canshuurta oo kooxda Daacish ku soo rogtay, taasi oo cadadkeeda lagu saleeyay inay ganacsatadu bixiso 30% dakhliga dhaqaalaha soo gala.

Telefishanka Dalsan oo soo xiganayay ganacsato qariyay muuqooda iyo magacooda ayaa sheegay in ururka Daacish iyo odayaal ay isku heyb yihiin ganacsatada ay ka wadahadleen sidii suuqa dib loogu furi lahaa.

Labada dhinac ayaa isku raacay in goobaha ganacsiga suuqa Bakaaraha dib loo furo isla markaana ganacsatada ay lacagaha canshuurta ah ku bixiyaan muddo 14 maalin gudahood.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay ugq hortageyso hanjabaadda kooxda Daacish ee lagu xiray suuqa Bakaaraha, waxaana ciidamo Boolis ah lagu daadiyay gudaha suuqaasi.

Howlgalka Booliska ay ka sameeyeen ayaa lagu amray ganacsatada inay furaan goobahooda ganacsi, iyadoo afhayeenka Boolka uu uga digay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarka kooxda Daacish.