63 views
|

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinow …WARSAXAAFADEED

Jawaari

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo maanta ku geeriyooday qarax loogu xeray gaarigiisa magaalada Muqdisho.


Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Isxaaq Maxamed Cali Riinoow oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,Alle raxmadiisa jano ha siiyo anagana samir iyo iimaan hanaga wada siiyo, Xildhibaannada iyo Gudoonka Golaha Shacabka anigoo magacooda ku hadlaya waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday marxuumka”

“Geeridu waa xaq, naf kastana xili ayey leedahay,sababtuna waa halkeeda haseyeeshee gardaro in la isku dilo ma ahan Xaq,waxaase Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gudoonkaba ay ka mideysan yihiin ineysan falalka argigixisanimo marna na niyad jebineynin oo aysan marna hakin doonin howlaha aan u heyno shacbiga Soomaaliyeed oo waan sii wadi doonnaa’ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinac kale alle uga baryey inuu caafimaad dhameystiran siiyo Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo isaguna ku dhaawacmay falkii argigixisanimo ee maanta.

—DHAMAAD—


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1236

Posted by on Apr 21 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Archives

19_apr_2014 copy M_aweys_mudey M_aweys_mudey M_aweys_mudey

Recently Commented

  • adenyare: maskiin odaga waa sarqaansanaa malaha maxaayeelay see ergayga Q/M saas ulahadli karaa runtii Somaliland...
  • fagaas: RUNTII WAA HEES WACAN OO MACAAN WALIBA WADANI AH WAYNA KU MAHADSANTAHAY FADUMA HAYAAN WAXAAN U FILAA TOWFIIQ...
  • m. Hussein: Adeer qabyaalad haddii la waayo wax kasta wey hagaagayaan inta aad maqleyso Daarood, Hawiye iyo wax qurun...
  • mohamed: dadkan inta ay ku jirto cuqdada wax horomar ay samayn karaan ma jirto
  • m. Hussein: British Somaliland tries recognition but world knows that there three four clans Isaaq ,...