1 min read

Ciidamada Danab oo Alshabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose & Bay.

Ciidanka kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad waxaa ay howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka wada tirsan Gobolada Shabeellada Hoose iyo Bay.

Ciidanka ayaa si gaar ah howlgalka ugu sameeyay deegano hoostaga Leego iyo Jameeco oo ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose & Baay. Iyadoo ujeedka howlgalka ee Ciidamada uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga Leego iyo Jameeco oo ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay, iyagoo sheegay inay la wareegeen deegaanadaas. Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay halkaas ka sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay ka sameenayaan degaannada iyo degmooyinka labada Gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Baay ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas.