79 views
|

Axmed Fiqi: “Waxaan ka cabsi ka qabaa in shirka Muqdisho ka furmay uu la mid noqdo kuwii hore oo kale”

Fiqi (1)

Taliyihii hore ee nabad sugidda Dowladda Federaalka Axmed Macallim Fiqi oo ka mid ah ergada ka qeyb galeysa shirka Muqdisho ka furmay ee looga hadlaayo ammaanka dalka inuu yahay shir ka soo dib dhacay xilligii loo baahnaa.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in shirka uu yahay mid loo baahan yahay in bulshada, xubnaha horay xilalka uga soo qabtay iyo saraakiisha ammaanka dalka ay iska warsadaan qaabka la isaga kaashan karo ammaanka dalka.

“Waxaan cabsi ka qabaa in shirka Muqdisho ka furmay uu la mid noqdo kuwii hore oo kale” ayuu yiri Mudane Fiqi oo sheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aanu ahayn oo kaliya Al-Shabaab, balse ay jiraan cadowyo kale oo fara badan.

Taliyihii hore ee Nabad sugidda ayaa sheegay in cadowga ka duwan Al-Shabaab ay yihiin dadka u dhimanaya biyaha aan nadiifka ahayn, isagoona ugu baaqay guddoomiyeyaasha gobolada dalka inay ka shaqeeyaan sidii dadka ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah.

Dhinaca kale Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in la dagaalanka Al-Shabaab ay u taagan yihiin ciidamada qalabka sida iyo ciidamada ka socda wadamada caalamka, sidaas darteedna Dowladda Federaalka ay xooga saarto sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah oo uu sheegay in dadka u dhimanaya biyaha aan nadiifka ahayn ay si weyn uga badan yihiin dadka nabadgelyo xumida u geeriyoonaya.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=1151

Posted by on Apr 21 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Archives

M_aweys_mudey M_aweys_mudey M_aweys_mudey

Recently Commented

  • RUNSHEEG: XAMAR NINKII NECEB OO JECEL BURBURKEEDA NACADA RABBI HA KU DHACDO, ADUUN IYO AAKHIRO ALLAAH HA SEEJIYO...
  • hassan: asc walaalayaal ka daaya xayeesiinta aad u sameeneysaan dadka xun xun ee diinta ka baxay.
  • koofurgalbeed: Dhulbahantoow intaad daarood daba orod iyo jubalan xaqdaro kutaageer ku jirtaan ogaada in aad...
  • Caarif Dulceyneyn: Ceebtaada haddii in badan uu Ilaah asturo, markaad ka joogsan weydo daaha ayuu goor dharaar ah ka...
  • Caarif Dulceyneyn: Xaadoole waa geesi aan garab laheyn kana dhashay reer aan gargaar iyo garasho xun ee Ilaahay ha u...