1 min read

Sacdiya Yaasiin oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

MUQDISHO: —Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka.

Doorashadan ayaa waxaa wareeggii koowaad ku tartamay illaa 10 murashaxa oo codadka u kala helay sidan: