1 min read

Aabe 44 sano jir ah oo ka mid Noqanaya Arday maanta u fadhiistay imtixaanka Fasalka 12-aad.

Sheekh Cali Cilmi Axmed, oo dhashay sanadkii 1979-kii, ayaa ka mid Noqanaya 154 Arday oo imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare ku galaya Magaalada Dhusamareb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxa uuna sidokale Sheekhu ka mid yahay Culimada Deegaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Imtixaankii Fasalka 8-aad ee dhowaan la soo Gabagadlbeeyey ayaa waxaa ku jiray Sadax ka mida ah Caruurtiisa, sidokale waxaana maanta magaalada Muqdisho imtixaanka Fasalka 12-aad ku galay Gabar uu dhalay Sheekh Cali Cilmi, taasi oo ka dhigan in isaga iyo mid ka mid ah Carruurtiisa ay mar qura wada galayaan hal imtixaan.

Sheekh Cali Cilmi Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inuu Dadaal ku bixiyey Heerka maanta uu joogo uuna rajaynayo ilaa heer Jaamacadeed.