1 min read

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada oo soo dhaweeyay doorashada Aadan Madoobe.

MUQDISHO — 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.


“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii lasoo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Faceebook, ku yiri “Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho. Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka”.


Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa iyaguna soo dhaweeyay doorashada guddoomaha cusub ee Baarlamaanka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee BFS. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan Xildhibaanada BFS oo juhdi badan ku bixiyay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan rasmi ah oo dalka ka saara xaaladdan kalaguurka” ayuu madaxweynaha Galmudug ku yiri qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook.


Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.