Somaliweyn » Jaaliyadaha

Shirkii Calaamiga ahaa ee Socialka oo soo gabagaboobay.
Shirkii Xisbiga Socialka ee ka socday magaalada Cotemberg ee Sweden ayaa maanta lasoo gabagabeeyay kadib muddo 4 maalmood aheyd oo si xariir ah oo kala kicid laheyn uu uga socday xarunta weeyn ee shirarka ee Olapalma Center, kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wufuud badan oo heerar kala duwan oo gaarayay 3000 ayaa waxaa looga wada hadlayay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen:

1. Diyaarinta Qorshaha iyo Istiraatiijiyada Xisbiga Socialka ee wadanka Sweden ee

2013-2017

2. Isu diyaarinta Xisbiga Socialka ee Wadankan Sweden Doorashada Dalkan ka

dhicidoonta sanadka soo socda ee 2014

3. iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka caalamiga ah ee kawada dhaxeeyo dhamaan

xisbiyada ku abtirsada socialka iyo horumarintooda

Dhinaca Soomaaliya waxaa kaga qeybgalay shirkan Xisbiga SSUP ( Xisbiga Midnimada Umadda Soomaaliyeed) kaa oo la aasaasay 2004 tii, xarumo badanne ku leh wadankan Sweden iyo Soomaaliyaba.

Waxaa sidoo kale Shirkan caalamiga lagu casuumay oo ka qeybgalay Xildhibaano kamid ah Baarlamaabka Federaalka ee Soomaaliya kagana qeyb galayay Shirkan laguna Casuumay Magaca Xisbiga SSUP, Xildhibaanadan ayaa waxay kulamo la qaateen Xildhibaano dhigooda ah oo xisbiga Socialka ee wadanka Sweden kamid kuwaa oo iyaguna waxyaabo badan kawada hadleen oo ay kamid aheyd sidii labada Baarlamaan isu dhaafsan lahaayeen wafuud labada dhinac iyo cilaaqaad kuqotomo kala faaideysiga xaga khibradaha taas oo si Horudhac isugu afgarteen laguna balamay in la dhameystiromaalinta Talaadada ah oo Xildhibaanadu tagi doonaan Baarlamaanka wadanka Sweden.

Dhinaca Xildhibaanada ayaa waxay la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga Socialka ee wadanka Sweden kaa oo lagu wado in sanadka soo socdo loo doorto Raisal wasaaraha Wadanka, Xildhibaanda ayaa waxay u sharxeen xilayadii adkaa ee Somalia soo martay iyo meesha ay maanta mareyso iyo lagama maarmaanimada in ay kaalin wax ku ool ka geystaan qorshaha dib u soo kabashada Soomaaliya .

Sidoo kale ayaa waxay kawada hadleen sidii mustqablka Soomaaliya looga dhaqangelin lahaa nidmaaka axsaabta badan kaa oo hadda badalkiisa lagu dhagmo nidaanka Beelaha, waxna lagu wada qeebsado. Gudoomiyaha Xisbiga Socialka ee Sweden ayaa balan qaaday inay gacan xoogan siin doonaan Xisbiga SSUP oo hadda ah xisbiga kalii ah ee Social ah ee wadanka Soomaaliya kajira, waxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in uu gacan weynka geysan doono sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nimaadka Axsaabta badan hoowshaane ay kala shaqeynayaa xisbiga SSUP. waxuuna ugu danbeyntii ugu baaqay Xildhibaanada inay iyaguna ay arrintaas xooga saaraan sidii loo meelmarin lahaa.

OGEYSIIS: Jaaliyadda Khaatumo State
OGAYSIIS            OGASIIS              OGASIIS

Waxa la ogasiinayaa dhamman jaaliyadda reer Khaatumo eek u nool waddanka Holland in uu jiro Shir  telefoon . shirku waxa uu ku saabsan yahay warbixin iyo wada tashi.

Shirka waxa ka soo qayb geli doona qaar ka mid ah madaxda khaatumo ee waddankii  ku sugan,  xubno G11 ka mid ah iyo qaar kamid gudiyada yurub haddii alle idmo.

Shirku waa maalinta sabtida ee bishu tahay  16/o3/20013, saacaddu markay tahay  19:15 uur.

Fadlan maadama soomaliya laga soo gelayo waqtida ha la ilaaliyo.

Wixii faahfaahin ah kalasoo xidhiidha  telefoonada hoos ku qoran:

0687116166

0686120090

0684379657

0685392697

Fadlan la soco mobiilka Lyca qofkii raba in uu ka soo galo wuu shaqaynayaa hadda oo waa la hagaajiyey.

Ka soo qaybgal wacan,

Gudiga Khaatumo ee jaaliyadda Holland

Aqonn is weydaarsi ka dhacay magaalada Orebro + Sawirro
Maanta waxaa lagu qabtay dugsiga xafadaa Vivalla ee Magaaladan Orebro aqoon is weydaarsi ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa hanaan wanaagsan oo ay ku wada shaqeeyan dugsiyada, hey’adaha waxbarashada, macalimiinta iyo jaaaliyadda Afrikhorn.

Hadafka aqoon is weydaarsiga wuxuu ahaa sidii loo hagaajin lahaa horumarna loogu sameyn lahaa waxbarashada iyo qaabilada caruurta mar dhaw wadanka soo galay.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay qeybaha waxbarashada dugsiyada Magaaladan Orebro ee qaabilsan caruurta cusub,macalimiinta ka shaqeeya qeybahas, hey’adaha meeleynta caruurta cusub dhinaca waxbarashada,hey’adaha luqadaha Afka Soomaliga,Guddiga Fulinta Jaaliyadda Afrikhorn kultur, Waalidinta iyo wax garad badan oo ka kala yimid xafadaha magaalada.

Masuliyiin kala duwan ayaa soo jeediyay warbixino qiimo leh oo ka hadlaya horumarinta waxbarashada ubadka,waxaana leysku raacay in la sameeyo guddiyo kala duwan oo ka kooban ka qeyb galaysha shirka.

Waxaa diyaariyay Hassan Osman

Orebro.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait oo ka cabaneysa Danjire C/qaadir Dowladana ka codsatay in Wax laga qabto {Warbixin}‏
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kuwait ayaa cabasho ka soo yeeray waxayna sheegeen inay soo wajaheen dhibatooyin uu ku hayo ambassador Cabdulqaadir Amiin Maalin safiirka Soomaaliya u fadhiya wadankaasi, iyagoona sheegay inuu ku hayo tacadiyo kala duwan, isla markaana danjiraha uu shaqadii loo dhiibay sidi la rabay uusan u gudan.

Hooyo magaceeda ku soo gaabisay Sahra ayaa iiga warbixisay cabashooyinka kala duwan ee heysta jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kuwait, waxayna hoosta ka xariiqday in Dowladda Kuwait ay ka duwan tahay dowladaha kale ee Khaliijka ku yaala, waxayna caddeysay in Dowladda Kuwait ay soo dhoweysay Soomaalida dalkeeda degan, iyadoo si weyn u ilaalisa xuquuqdooda.

Dowlada Kuwait waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed waxayna ku heystaan nolon fiican oo ay ka heleen Dowlada Kuwait, waxayna helaan waxbarasho toos ah oo ay siiso Dowlada Kuwait, waxayna la mid yihiin muwaadiniinta heer Kuwait xaga Waxbarashada , Dowlada Kuwait ayaa sidoo kale u qabata dadka Soomaaliyeed waxyaabo badan oo ay ka mid tahay inay siiyaan lacago biil ah oo laga Bixiyo Beytul Maalka Kuwait.

“Dowladaha Khaliijka ku yaala marka laga reebo Dowladda Kuwait dadka Soomaalida ah lagama soo dhoweeyo inta badan wadamada Khaliijka, hase yeeshee Dowladda Kuwait way soo dhoweysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayay tiri hooyo Sahra oo sheegtay inay Dowladda Kuweyt uga mahad celineyso tallaabadaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kuwait oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Amiin Maalin ayay ku eedeysay Hooyo Sahra inuu yahay mas’uul gabay howlihii qaranka Soomaaliya u xil saartay, oo lumiyay kalsoonida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Kuwait.

Eedeymaha loo jeedinaayo safiir Cabdulqaadir Amiin Maalin waxaa ka mid ah isagoo miiska uga tegay warqado Dowladda Kuwaitt looga codsanayo inay kordhiyo ardayda Soomaalida ee dalkaasi wax ka barata, codsigaasi oo Madaxweyne Shariif mar uu booqanayay dalkaasi u jeediyay Amiirka Kuwait oo isna aqbalay codsiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Mar booqasho kale ku yimid Madaxweyne Shariiif oo uu weydiiyay codisigii kale hore ee ahaa in waxbarashada arday loo kordhiyo ayuu Amiirka Kuwait u sheegay in Safiirka uusan waxba soo gudbin walina aan loo keenin warqad codsi ah, sidoo kale Safiirka ayaa markasto ka soo horjeesta waxyaabo badan oo daruuri ah oo jaaliyada u baahan tahay inuu wax ka qabto, arintaan ayaa cadeyneysa safiirka aanu raalli ka ahayn horumarka Soomaalida dalkaasi ku nool.

Waxaa kale oo ka mid ah eedeymaha loo jeedinaayo safiirka Soomaaliya ee Kuwait in marki la gaaro Xuska xornimada Soomaaliya uusan ogoleyn in la sameeyo islamarkaana uu raali ka aheynba in la xuso, waxaa dhacday sanadki hore marki la xusi rabay ! luulyo inuu ka diiday ardayda oo qabanqaabada waday inuu wax kala qabto, ardaydi marki uu u diiday ayay iskood isku abaabuleen kadibna dhigteen Xafladi Xuska 1 luulyo balse Safiirka ayaa nalka ka damiyay isla markaana kala amar ku bixiyay in lakala tago , iyadoo falkaani kuu muujinayo in safiir C/qaadir uu yahay shaqsi kahorjeeda qaranimada dalka iyo maalmaha loo dabaal dego munaasabadahaan oo kale.

“Ma helno xuquuqda ay leeyihiin Dowladaha caalamka dadkooda ku nool wadanka Kuwait, waxaana arrintaasi sabab u ah safiirka Soomaaliya oo ka jeestay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka heysta dadka Soomaaliyeed” ayay tiri hooyo Sahra.

Dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee soo wajahay Soomaalida Kuwait degan waxaa ka mid ah in hooyo dooneysay inay loo cusbooneysiiyo sharciga dalkaasi lagu yiri “Baaritaan caafimaad soo mar” kaddibna laga helay cudurka beerka laguna amray inay wadanka ka baxdo iyadoo waliba caruurteeda ay ku maqan yihiin jaamacadda, hase yeeshee arrimaha noocaas ah marka ay dhacaan safirkii u doodi lahaa wuu diiday inuu Dowladda kala hadlo Dowladda.

Dhinaca kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Kuwait ayaa ka codsatay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka kala duwan oo dalkaasi ku heysta, iyagoona ugu baaqay Dowladda Federaalka inay yimaadaan dalkaasi ay u ogaadaan xaqiiqada.

Safiirka u fadhiya Dowlada Soomaaliya Dalka Kuwait ayaa ah nin iska weyneysiya Soomaalida uu masuulka ka yahay, wuxuuna marar badan ka leexleexday codsiyo kala duwan oo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait usoo gudbiyeen.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra

jabriil37@hotmail.com

Jaaliyadda Besha Wacbuudhan Abgaal oo shir muhiim ah ku yeeshay dalka Holland
Waxgaradka, aqoonyahano, ganacsato iyo dhalinyaro kasoo jeeda 8 jilib ee beesha Wacbuudhan Abgaal ee ku nool dalka Netherlands iyo Belgium-ka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Bergen op Zoom ee dalka Netherlands waxay ugu hadleen aayaha iyo mustaqbalka gobolada ay beesha degto.

Kulankan oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa si weyn looga hadlay sida ay beesha Wacbuudhan Abgaal ugu qeyb qaadan karto dadaalada nabadeed ee ka socda dalka iyo sidii kaalin muuqato ugu yeelan lahaayeen dhismaha maamulada gobolada ay kasoo jeedaanm, waxayna tilmaameen in si gaar ah ugu shaqeyn doonaan sidii ay kaalintooda ugu qaadan lahaayeen dhismaha maamulada Gobolada Shabeellaha Dhexe, Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Mudadii uu socday kulankaasi ayaa waxaa qadka isgaarsiinta ugu qeyb qaatay Siyaasiyiin, Nabadoono kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal, iyadoo kulan danbe oo lagu gorfeynayo sida loo wajahayo qodobada ay ka doodeen bisha 31-keeda lagu ballamay si kulanka u noqdo mid ay kasoo qeybgalaan dhamaan jaaliyadda beesha ee wadamada Holland, Belgium iyo dalalka kale ee Holland deriska la ah

31-ka ayaa magaalada Denhaag lagu qaban doonaa kulanweyne iyado lagu wargelinayo cid kasta oo u dhalatay 8 Jilib ee Beesha Wacbuudhan ay kasoo qeybgalaan shirkaasi lagu qaban doono Denhaag.

Adresska: Stortenbekerstraat 201

Post Code: 2525 SE Denhaag