Somaliweyn » Faallo
QADIYADA GOONI-ISU-TAAGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad)
Soomaaliya Soomaali Baa Leh
Midkii Kala Saar Lahoow
Midkii Kala Sooc wadoow
Midkii Si Xun U Fekeroow
Sareeda Hadeey Ku Waarto
Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro
Samaanteed Iyo Xumaanteed
Soomaliya Soomaali Baa leh
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa daga dad walaalo Soomaaliyeed ah, Dhaqan, Diin, Luqad, Dad iyo Dalba aan wadaagno.Waa meelaha ugu nabada roonaa burburkii dalka kadib. In bandan oo Soomali ahna eey u hayaameen, kuna badbaadeen. Waa meelo ugu yaraan madaxdu xukunka isuku wareejineeysey iyadoo aan xabada la isa surin. Waxaa ka jira Maamul mudo soo jirey oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba leh, balse shaqeeya oo umad badani dugsato. Hadaan sookoobo, waxaa ka jira Gobolladaa Waqooyi ee Soomaaliya, in badan oo wanaag ah, oo eey tahay in aan ugu hambalyeeyno walaalahaa, Allaahna uga barino in uu ubarakeeyo, ileyn waa walaalo Soomaaliyeede oo wanaag dhamaan aan la jecelnahaye.
Balse mushkilada ugu weyn ee Gobolladaa ka jirta ayaa ah “Kala Goynta Dalkeena Hooyo”, ama waxa loogu yeero, “Gooni-Isu-Taag”, Cadaalad darro iyo “Sad-Bursi” baahsan oo gobolladaa ka jira. Hadaan toos u galo qormada, aqristoow waxaan ku jirnaa 2013, xaqiiqdiina Gobollada Waqooyi ee Soomaliya isbadal aad u xoog badan ayaa ka dhacay, maadaama iyadoo isbadalkaa xaqiiqiga ah ee aan la inkiri karin uu ka jiro Waqooyi ayaa “18-May” waxaa si gaar ah muhiimad dabaaldageed usiiyey “Qeyb gaar ah” oo ka mid ah walaalaha Reer Waqooyi la isku yiraahdo, ee waqooyiga wada daga gobolladaas, sidaa daraadeed waxaan is iri bal qormadan ka samee, ee Akhirtoow kusoo dhowoow dhuuxa qormadii adigoo mahadsan.
Waxaan rabaa in aan qaab Mandiq/Logic ama caqliyeysan oo cidkastoo caadifad ka fogi eey caqli nadiif ah ku garankarto, ee bal aan su’aalo iga dhex guuxayaahi idinla wadaago aqristayaashoow.
Aan ku bilaabo’e,Dhulka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi waxaa wada daga Beelo dhowr ah (Isaaq/Beesha Dhexe, Dhulbahante, Samaroon/Gadabiirsi, Warsangali, Ciise, Gabooyo, iyo Faqashinni) oo Gumeystihii Ingiriisku uu midba si gaar ah/gooni-gooni ah heshiis ula galay, marka laga reebo Beesha Dhulbahante oo iyadu aan heshiis la galin Gumeeystaha. Ma aaney jirin wax isku duuban oo ka maamul ahaan uu Ingiriisku heshiis ula galey. Magaca hada Gobollaa Waqooyi loogu yeerana waa mid uu Ingiriisku iskii ula baxey, micnahuna uu ahaa oo kaliya: “Dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha Ingiriisku Gumeysanjirey”, sidaa daraadeed, Hadii Beelihii dhamaan marka laga reebo Hal beel, “Beesha Dhexe”, oo iyadu danteeda u gaarka ah darteed Ictiraaf u raadsaneeyso, macquul ma noqoneeysaa iyadoo Beelihii kale ee gobolka la wada daganaa wada diidanyihiin in Aqoonsigaa la helo? Oo waliba waxa diidanna eey yihiin Odayaashii dhaqanka oo dhan, Aqoonyahankii, Siyaasiyiintii ugu caansaneyd iyo dhamaan Indheer-Garadkii Beelaha kale oo mideysan, kaba sii darane gobollada qaarna hadadan la taaganyahay eey xabbadu ka socoto, oo Nabadiiba gobolku ku caanka ahaa aaneyba maanta meesha oolin. Hadiise xaqiiqdu sidaa tahay, soow Xaalka dhabta ah ee “Ictiraaf” noqon maayo mid dhalanteed aan muran ka taagneeyn ah, iyo laablakac iska caadifadeed? Ileyn caalamku wuu garankaraa in “Hal Beeli” aaney dowlad noqon karine, iyadoo Aduunweynuhu uu waliba ka cabsi qabo in Beel kastaahi ee Soomaaliyeed iyana “Gooni-Isu-Taag” ku dhawaaqdo, oo kumanaan dowlado Soomaaliya ka wada dhexjira xaalku isu wada badalo, oo Albaabkii eey ku bilaabanlaheyd mushkiladaana fure u noqoto, taasoo cawaaqib xumadeena aaneey Soomaaliya oo kaliya ku ekaan doonine, u gudbidoonta Qoowmiyadaha faraha badan ee kala duwan ee dhamaan simideeysan ugu wada nool wadamada Deriska la ah Soomaaliya, iyo waliba guud ahaan kuwa geeska Afrika?
Caalamku wuxuu jawaab maqcuul ah u la’yahay sababta iyo logic-ga “Gooni-Isu-Taagan!” iyo “Ictiraf Raadintan!” Ma waa la ina laayeybaa? Ma cadaalad darro ayaan Soomaalida Koofureed katirsaneynaa baa? Ma kala Diin, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midab beynu nahay baa? Aan ku horeeye’e caalamku wuu ka dharagsanyahay in aan isku wada Diin, xitaa Mad-had, Dhaqan, Luqad, Isir iyo Midaba wada nahay, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee “Gooni-Isu-Taaga”. Hadiise xaalku Maamulbaa ina laayey tahayna, caalamku wuxuu taaganyahay Maamulkii dhibkaa geeystey wuu tagey, waliba waxaa la dagaaley Soomali oo dhan, isla Soomaalida Koofureed ayaa ridey, ee Waqooyi Madaxtooyada Muqdisho ma aaney ugu tagin, iyagaa Koonfureed ayuu laayey, oo cidkastoo maamulkaa mucaarada ayuu la dagaalamayey, waliba dadkii dad ugu dhawaa ayuu laayey, sida Beelihii Jabhadii ugu horeeysey ku aasaasey ee SSDF, iyo kuwii ku xigey sida: USC, SDM iwm. Caalamku wuxuu la yaabanyahay, hadii shalay “Beesha Dhexe” ee walaalaha waqooyi eey laheyd Maamulkii Millatarigii ayaa beel ahaan inoola dagaaley oo ina xasuuqey-Ileeyn waqooyi iyo koofur cidi uma aaney dagaaline-, soow xaqiiqdu ma aha in waxaa ka dhacay gobolladaa waqooyi eey ahaayeen laba Xasuuq: 1-Mid waxaa geeystey Dowladii Milletery-ga, oo eey shacab badan iyo Jabhadii hubeysneyd ee SNM ee “Beesha Dhexe” qeybo ka mid ah eey ku dhinteen, kadib markii dagaalku magaalooyinka noqdey, oo Jabhadu magaalooyinka soo dhex gashey, oo xaalku noqdey in shacabka lagu dhex dagaalo, taasoo sababtey in eey dhacaan qaladaad iyo gafaf badan oo xaqiiqdii dowladaa Millatery-ga ee markaa jirtey eey gashey, gaar ahaan isticmaalkii diyaaradaha IWM. Qofkastoo Muslim ahna Maras dilkood ma ogolaankaro, kaba sii daran walaalo Soomaaliyeed’e. Balse waxaan dadka badanaa aan loo sheegin, in badanna ka qarsoon, da’yartuba ha u badnaatee, in uu jirey xasuuq kale oo isla Gobolladaa Waqooyi ka dhacay, midkan dambe waxaa geeystey Maleeshiyadii Jabhadii SNM, oo xasuuqdey Qaxootigii Galinka 5-aad ee “Ogaadeeniya” kasoo qaxey, oo dowladii Millitery-ga eey dajiyey Gobollada wooyi, maadaama eey aad ugu dhaweyd masaafo ahaan, iyadoo Jabhada SNM eey Gobollda waqooyi ku shaacisey in Dadkan aaney qoxooti aheyne dad dhulkan in eey idinkala wareegaan loo keeney yihiin. Nasiib darada kaloo jirtey ayaa waxeey iyana aheyn in Dowladii Millitery-ga hubeysey qeybo xaqootigaa ka mid ahaa oo dagaalkana galisey.
Khubarada qaar waxeey leeyihiin nasiib darro! Qaxootigii dhowrka Boqol oo qoys ahaa wax ka fakadeyba weey yaryihiin, oo qoysas dhan ayaa sidooda u go’ay, oo dhagta dhiiga si wadareed ah loogu darey iyagoo isugu jire Maras/Maato iyo Rag nuuckastaba leh, oo lafaha hey’ada caalamiga loosoo bandhigo inbadan oo ka mid ah waa qaxootigaas ayey leeyihiin, oo waxaa looga faa’ideeystaa, laba arin: A- Kuwii laayey ayaa joogaa oo garanaya meelihii eey ku xasuuqeen Maatidaa, B-lafahaa gaalada la tusayo, isma sheegayaan Reeraha eey u dhasheen, marka waa lagu badsankarayaa, si dareenkooda loo gilgilo, looguna sii xoojiyo qadiyada “Gooni-Isu-Taaga”.
Nasiib darada ugu weynse waa in Maanta iyadoo “Beesha Dhexe”  wadata hubkii eey ka heshey Dowladii Millatery-gii Siyaad Barre, hubkii Ethiopia eey siiyey, iyo iyadoo isticmaaleeysa awood dhan ee maamul, hadii eey ku leeyneeyso Shacab isugu jira Caruur, Ciroole iyo guud ahaan Marastaa Biri-Mageeydada ah,  kuwaasoo kasoo wadajeeda isla Beelaha Waqooyiga wax ka dagan, sababtuna tahay oo  kaliya in eey diideen wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, iyo in eey Maamul ka ahaadaan Raaciyeyaal oo kaliye, sidaa daraadeedna ku dhawaaqey in eey rabaan Midnimada walaalahooda Soomaaliyeed, iyagoo sida lawada ogyahayna halgan dheer oo taariikhi ah usoo marey u dagaalankii Soomaalinimo ee lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska, rag badana hore ugu waayey, sidaa daraadeedna diidan in eey Taariikhdaa dheer ee Gobanimo-Doon eey maanta ka talaabsadaan, oo “Hal Bacaad lagu lisey” kasoo qaadaan. Xaqiiduse soow noqonmeeyso aqristow, in marka aad “Inaga” abuurto, aad sidoo kale qaab automatic ah u abuurtey, “Iyaga”. Xaqa aad u leedahay in aad cid baan ka go’ay u tiraahdana, soow cidkastaahina xaq uguma laha in eey adigana kaasii go’do?
Wuxuu caalamku sidoo kale leeyahay, hadii shalay cadaalad daro eey “Beesha Dhexe” ee walaalaha Reer Waqooyi ka tirsaneeysey Soomaalida inteeda kale, bal kawaran hadii isla iyadii eey kula dhaqmeysey waqtigii xoriyada Ingiriiska gobollada waqooyi ka qaadan rabeen, ee marka laga reebo sadex waziir maahane Jagooyinkii kaloo dhan “Beesha Dhexe” isku wada qaadatey.
Nasiibdarona! Illaa iyo maantana kula dhaqmeeysa Beelaha kalee ladagan Gobollada Waqooyi, cadaalad daradii oo aaney waxba iska bedelin. Video-ga Linkiga hoose waxaad ku arkeeygaa wareysigii Cali Saciid Xasan uu la yeelanayo Saraakiil kasoo wadajeeda Gobollada waqooyi Gaar ahaan Beelaha Samaroon/Gadabuursi, kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur Faahiye, G/Sare Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii Jabhaddii SDA, iyo Eng. Cumar C/llahi Handi, wareeysigaa uu kula yeeshay Farjano 11-kii Bishii Febraayo 1991.
Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame Wuxuuna yiri: “1959-kii Ingiriisku markuu Gobollada Waqooyi ka baxayey, wuxuu sameeyey wax la magacbaxey, “Shadow Ministers” oo 9-Bilood jirayey, Xisbigii Markaa jirey ee SNL ahaa oo “Beesha Dhexe” eey ugu badnaayeen, ayaa maadaama dadka Waqooyi wada xamaasadeeysnaayeen oo xoriyad loo dagaalayey bal loo dhiibey oo qeybiya la yiri, Nasiib darro! Ummadii kale oo dhan ayey ka sadbursadeen. Gobolka Owdal, oo markaa la dhihi jirey District Borama, waxaa laga siiyey Hal waziir, laascaanood waxaa laga siyey ma garanayo Hal mise Laba waziir, intii kaloo dhanna waxaa qaatey “Beesha Dhexe”. Nasiirdarro! Siyaasi weyn oo kasoo jeedey isla Beeshaa, Waqooyigana caan ka ahaa, lana wada garanayo ayaa yiri, “Ma jilibkeeyga oo aan waziir helin ayaa reer Awdal waziir helikaraan, sidii ayaa kiina looga qaadey Reer Awdal”, Markaa ayey beelihii kaloo dhan ugu wada dhibicdey in cadaalad daro iyo Sad-Bursi xaalku aanu ka baxeeynin, waliba markaa SNL oo beeshaa u badneyd, Ingiriiskuna uu aad u taageerayey, waxeey doonayaan “Federation”, ama in “Dowlad Gaar” ah la noqdo, oo iskubiirid marna ma aaneey rabin. Markaa Beelihii kale oo ka dharagsanaa in waxa kaliya ee xaqooda eey ku helikaraan eey tahay in la raadiyo Jamhuuriyad Soomaliweyn, si qeybtooda eey u helaan, oo waqooyiga aan loogu Dominate-gareyn, ayaa waxa eey Beelihii kale bilaabeen in eey sameeystaan Xirbigii Siyaasiga ahaa ee la dhihi jirey, “USP-United Somali Party” ula jeedadiisuna aheyd in aan waqooyi gooni isu taagin, ama Federalism aanan lagu maquunin beelaha kale, balse walaalaha Koonfur iyo Waqooyi la isku daro. Doorashadii markii la galey, “Absolute Majority” weey heliweeysey “Beesha Dhexe” oo markaa wadatey urukii SNL, waxaana lagu qasbanaadey in Soomaaliweyn lagu darsoomo oo la raaco, maadaama aan inagu sidaa u ololeeyneeyney, Cigaalna rajo uu ka qabey in uu Ra’isulwazaare helayo haduu Madaxweyne waayo. Taas aad ayeey uga xumaadeen ururkii SNL, waxaana markaa la isku heeystey nin diidan in la yaso, oo hala ilatashado si cadaalad ahna aan waxkasta u qeeybsanno taagnaa iyo nin diidanaa. Hadadan oo 1991-kii aan joognana waxaa la ina leeyahay laba Xaaji Qamsiin ayaa ku filan oo lasoo saarayaa dhamaantood”
Akhiristoow, soow maantana isla tii uun waxa taagan ma aha, ileyn waxa keeney in eey Beelaha kale waqooyi wax kadaga in eey sameeystaan, maamul Goboleedyada kala ah: Awdal State of Somalia, Khaatuma State of Somalia, iyo Maakhir State of Somalia, kadib markii sidii horeba caadadu aheyn, “Beesha Dhexe” is laheysiiyey Jagooyinkii ugu sareeyey maamulka oo dhan, sida: Madaxweynihii, Hogaamiyeyaashii dhamaan Sadexda Urur ee ugu waaweyn ee Mucaaradka, (ileyn sadexdaa urur ee waaweyn hogaankooda ayaa uun fursad Madaxweynenimo heli kara’e) iyo xitaa dhamaan ururada kee jiraba, Bal u fiirso Deegaanada maamulka Gobollda Waqooyi  waxaa  28/11/2012 laga qabtay doorashooyinka golayaasha deegaanka.  Waxaana ku tartamaya doorashada labo xisbi iyo Shan urur siyaasadeed oo marka la isu geeyo noqonaya 7-urur siyaasadeed. Haddaba waxaa muhim ah in la fahmo toddobada urur ee doorashadaa ka dhacday ka qeybgalay iyo hogaamiyaashooda Beelaha eey kasoo jeedaan oo iska leh, taageerana: 1- KULMIYE: Hogaanka xisbigan iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 2- UCID: Hogaanka UCID iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Cidagale/Garxajis. 3- WADANI:  Waxay hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 4- XAQSOOR: Hogaanka ururka Xaqsoor waxaa uu ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Carab. 5- UMMADDA:  Hogaankiisa iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar Yoonis/Garxajis. 6- DALSAN: Dadka hogaamiya iyo taageerayaashiisuba waxay isugu biyo shubanayaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Sacad Muuse/ Habar Awal. 7- RAYS: Dadka dhisay iyo taageerayaashiisuba waxay ka soo jeedaan “Beesha Dhexe”, gaan ahaan Jufada: Habar-Jeclo. Waxaa intaa kuusii dheer, Waziirkii Arimaha Dibada iyo inta badan Waziirada, Hogaamiyaasha Ciidamada- Si beelaha kale isugu baqaan, “Intimidation”, looguna isticmaalo markii dani bido, sida gobollada qaar hadda ka socota- Maxkamadii Sare, Madaxdii Golayaasha Maamulka, Wakiilada iyo Guurtidaba ….IWM. Waa dhamaan awoodii dhabta aheyd ee Maamulka, iyadoo nasiib darro! Waxa kaliya ee Beelaha kalee Waqooyi waxkadaga loo ogolyahayba eey yihiin “Ku Xigeeno” in eey Maamulka ka ahaadaan. Dadbaa ku dooda in Mudane Riyaale Kaahin Madaxweyne mar ka noqdey Maamulka, isaga oo aanan u dhalan “Beesha Dhexe”, balse xaqiiqda dhabta ah ee dadkaasi iska indhatirayaan ayaa waxeey tahay in Riyaale ahaa “Ku xigeen”, fursada uu ku heleyna aheyd oo kaliya Geeridii ku timid (Allaha u naxariistee) Marxuum: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Makula tahay in Beelo dhan oo Cuqaal iyo Indheer-Garadba leh, in eey maamul waxa kaliya eey ka noqonkaraan eey tahay raaciyeyaal magac lagu badsado, iyagoo dad iyo deegaanba Ilaaheey siiyey, walibana muhiim u ah hadii “Ictiraaf” la raadinayo iyo hadii kalee la hor istaagayaba? Soow marka xaalku noqonmaayo, “Dulmi Diide, Dulmi Doona ah beeynu aragney”? Mase kula tahay in sidaa cadaaladu tahay, keeneysana wada jirka Beelaha maamulka wada dhistey, iyo in sidaa “Ictiraaf” lagu helayo, sidii la rabo “18-May” haloogu dabaal daga’e?
Hadiise Maanta eey Beelihii kale ee wax ka wada daganaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ee awal waxa kaliya oo eey ku heshiiyeen aheyd in Maamul lawada dhisto si nabad loo kala helo iyo in eey ka badbaadaan “Beesha Dhexe” oo hubkii oo dhan gacanta u galey, maamulkana hormuud u aheyd, beelaha qaar ee Waqooyina wax ka tirsaneysey, balse waligood aanan ku heshiin wax la dhoho “Gooni-Isu-Taag”, eey maantana si cad u wada taaganyihiin waxaan ka mid nahay inta u taagan midnimada Ummada Soomaaliyeed, oo eey gobolladooda uga kala dhawaaqeen, dowlad goboleedyada kala ah: Maakhir State of Somalia, Awdal State of Somalia, iyo Khaatumo State of Somalia, kuwaasoo dhamaantood wada ayidsan Midnimada Ummada Soomaaliyeed. Makula tahay arintii “Gooni-Isu-Taaga” In eey si xaqiiqo ah u dhimatey, oo eey meeshaa uga baxdey gabi ahaanteedba? Ileyn “Hal Beel” oo kaliya cidi ictiraaf siinmeeyso’e, iyadoo gobolladii Ingiriisku wada gumeeysan jireyna aaney u dhameeyne, waliba hadii Beelaha kale siyaabo siyaasadeed lagu qancinkari lahaa, qaar ayaa meeshii wada hadal nabadeed lagu qancin lahaa, xabbada la surey, oo Maatadoodii dhagta Dhiiga loodaray, waana xaqiiq jirta marka wiil aad Aabihii goowracdo, in aad iska sii fogeeysay, kana sii daran hadii wiilkaasi ku dhaganyahay, halgan hore oo dadkiisu magac iyo maamuus mujtamaca Soomaaliyeed uga dhexleeyihiin.
Ugu Dambeyn, hadii Dowladii Soomaaliya “Kumeel-Gaarkii” ka baxdey, oo Maanta Ummada Soomaaliyeed dowlad Rasmi ah eey heshey, taasoo January 17, 2013-kii uu Mareykankuna si rasmi ah u aqoonsadey, IMF-ta, hey’adihii kalee caalamiga ahaa,  iyo dowladihii kalana ku wada xigsaden,  iyadoo Madaxweynaheedana uu meelkasta ka leeyhay: “Waxaan ku dhaartey MIDNIMADA DALKA”-Waloow aan aad uga xumaado marka aan maqlo isagoo dhahaya cadaadis Diplomaasiyadeed isticmaali meyno, iyadoo kooxda dalka hala jaridiisa ku howlanina waxkastaahi isticmaalayaan-, Nabadiina eey si tartiib-tartiib ah usoo noqoneeyso, caalamkiina uu Safaaradihiisii caasimadii dalka maalinba mid kasii furanayo,  kuwaasoo uu ugu horeeyo Ingiriiskii Ictiraafkaba laga raadinayey in uu hormuud u noqdo, iyadoo dhamaan caalamku wada muujiyey in Dalka Soomaaliya uu hal hogaan leeyahay, inta kalena Dowlad Goboleedyo yihiin, caalamkuna sidaa u tixgaliyey, soow taasi Arimihii Ictiraafka ugu dambeyn rajo beel ma aaneey kusoo gabagabeeynin?
GABAGABO, GUNAANAD IYO AFEEF
Marka aan leeyahay “Beesha Dhexe”, waxaan ka sariiganayaa in aan si toos ah afka magaca ugu dhufto, waxaana ula jeedadeeydu tahay “Qeyb ka mid ahe” qaarbaa midnimada taageersan. Hadiise aan dhaliil soo jeedino micnaheedu ma aha, in aan necebnahay walaalo Soomaaliyeed, oo ah qeyb ka mid ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Ma aha in aan cadow kunahay. Mana aha in aan xumaan la dooneeyno. Waxa aan dooneeyno oo kaliya, waa in wixii khalad ah la soxo, si wax inoogu wada wanaagsanaadaan, dalkana aan marna lakala jarin. Waxaase intaa fahmikaraya inta dareensan in qofku xor u yahay ra’yigiisa, xaq buuxana u leeyahay in uu cabiro aragtidiisa, eeyna tahay in la isku xushmeeyo kala aragti duwanaashaha. Ugu dambeyn fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaaji e-mailka hoose adigoo mahadsan.
Wabillaahi Towfiiq.
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com
Reer Burcoow Sheekh Bashiir & Faarax Oomaar ayaa Maamuusid mudan !!W/Q Idiris A. Dooxa-joog
Waxaa ka dhacay daafaha dunnida dabaal dag ay soo qaban qaabiyeen dad Somaliland-yahan-nimadda oo dal gaara noqota  Aminsan , Waxay u badan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddadi Burburka ee dalka Soomaaliya dawlad la’aanta ahayd ay barbaariyeen Madaxdi Jabhaddi SNM-ti qabyaaladdeed ee 1991-isu badashay Somaliland dal la dhaho baanu la soo noqonay , Yaan ka soo qabtaa Madaxdaas ,Boobe Yusuf Ducaale iyo Kuwo kale oo badan , Boobe malaha dhankayga waxa uu igu tilmaaman yahay qofka ugu xagjirsan Siyaasadda qabyaaladdeed ee Somaliland (SNM).
Dadka dabaal dagayaa waxay gacmaha ku sitaan qaybtood boorar lagu soo sawir xardhay Cabdiraxmaan Tuur , Axmed Siilaanyo iyo kuwo kale , Dabcan kuwa sawiradda ku dhigani waa kuwo qayb ka ah kuwi dawlad la’aanta dhigay dalka Soomaaliya , dadkiisana silicsanaanta ay sanaddada dheer ugu camalaysay u hoggaamiyey .
Waa anniga hadal suugaamayntayddi ka dhalay kolki aan Eyeeyaddi duq-silicsan aan booqday ugu hadlay dareenkeeddi diiqaddeed ee darxumadu keentay.
Ayeeyddaydii Halaysan
Kolkaan hoosadda ku booqday
Waa tuu hadalkeed ahaa
Hoy hadaydda maanta
Hamuunta la soo kacayga
Habaaska dushaydda saaran
Humaagsi ku doonidayda
Haabhaabsho haybintaydda
Cid i haysa la’aanshahayga
Haboon gabadhaydi Maandhe
Kuwii hiigee hilbeeyey
Habaarqayaashi hooga
Horseedee dalkay haleeyey
Ee Caruurtii haloowshay
Halyeey iyo Haybadayn
Miyay ugu hooriyeen (Suugaamaynta hadalka qorraha ayaa leh )
Waxay duqdu ka hadlaysaa Tuur iyo Siilaanyo oo Gabadheedi Haboon ka dilay in Halyeeynimo la siiyaa ay tahay mid garashaddu diidayso , Qabyaaladda ayaase leh sidaan .
Aan soo noqdo dadka dabaal dagayaa waa iyaga la qiiraysan dalkayga Ictiraafka aan u doonaayo ee Somaliland , Somaliland waa dareen qabyaaladdeed , taas kuma daahayno ee qormadda magac-binixteeddu dulucda ay xambaarsan tahay aan u dhaadhacno .
Reer Burcoow Sheekh Bashiir & Faarax Oomaar ayaa Maamuusid mudan !!
Reer Burco kuma gaar yeelanayaan Sheekh Bashiir iyo Faarax Oomaar ee waa halyeeyo Soomaaliyeed oo himilo sare xambaarsanaa unna dhibaatoobay dhulkoodda iyo diintooda in ay ka difaacaan cadoow gaaleed  u soo gooshay gayiga Soomaalida guud ahaantiis .
Labbadda halyeey ayaa Deegaankooddu yahay Burco sidaas ayaan u qaatay Reer Burcoow Sheekh Bashiir & Faarax Oomaar ayaa Maamuusid mudan , Waxaan taas uga gol-leenahay in Tuur iyo Siilaanyo oo dalka Soomaaliya dawladnimaddiisi burburiyey aysan mudnayn Maamus ee haddii cid la maamuusaayo ay tahay in Boorar lagu xardho Halyeeyadda hamiga sarre lahaa , Yeeriddaydu intaas ha ahaato ee aan anniguba aqriyaha Baro Sheekh Bashiir  iyo Faarax Oomaar .
Sheekh Bashiir Xaaji Yusuf .
Sheekh Bashiir waxa uu ku soo koray xarunta daraawiish , Sayid Muxamed waxa uu jeclaa Bashiir yaraantiisi waxa uuna oran jiray sida taariikhyanadda qaybtood sheegeen ” Bashiir waxa uu noqon nin gaallo badan ka xanaajiya “
Sheekh Bashiir waxa uu noqday wad-aad , abaare 1945-ti ayuu sheekh Bashiir ka soo laabtay Yaman , Haddii uu Burco yimi waxa uu bilaabay ururinta rag la dagaalama Gumaystaha Ingiriiska , Maalin ayuu weerar ku qaaday Guddoomiyihi Burco oo Ingiriis ahaa , Isla maalintaas isaga iyo koox uu wata waa ka baxeen Burco .. Waxaa marki dambe Ingirisku ku dilay Sheekh Bashiir Allaha u Naxariistee iyo Ragi la socdayba Buur-dhaab meel la dhaho oo Burco u dhoow .
Sheekh Bashiir waxa uu u dhintay Soomaalinimadda iyo Islaamnimadda , Waana halyeey Mudan ku dayasho maddaama uu xambaarsanaa himmilo sarre .
Xaaji Faarax Oomaar .
Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa Nin aad uga soo horjeedda gumaystaha Ingiriiska ee haystay inta badan dhulka Soomaalidda , Faarax Oomaar waxa uu abaabuli jiray dadka isaga oo ku guubaabinaaya in ay ka dhiidhiyaan heeryadda Gumaystaha , Faarax Oomaar Ingiriiski ayaa Musaafiriyey waxa uuna ku xiray Jasiirad ku taal dalka Yaman , Muddo ka dib waxaa lagu soo celiyey Faarax Somaliland , Haddana waxa uu Igiriisku ku xiray Xaaji Faarax Oomaar dhulka Soomaalidda ee haatan Itoobiyaanku haystaan (Herer) , Xaaji Faarax Oomaar waxaa dhibato ka soo gaartay Indhaha waxa uuna ku dhintay Magaaladda Hargaysa .
Xaaji Faarax Oomaar waxa uu ahaa nin halyeey ah oo har iyo Habeen u taagan in uu dadka ku baraarujiyo iska dhicinta gumaystaha dalkoodda haysta , Himmiladdiisuna waxay ahayd Soomaalinimo iyo Islaamnimo , Waxaa taas xaqiijinaaya in Ingiriisku Xaaji Faarax Oomaar masaafurintiisa u sababeeyey In Faarax Oomaar Xiriir la lahaa Sayid Muxamed .
Xaaji Faarax Oomaar Waxaa lagu xasuustaa Yagleeliddi Ururuki (Cadiyatul Raxmaan ) ee Burco ay ka fureen isaga iyo rag kale .
<wbr />         Dhamayn
Waa Hubaal in dadka Soomaaliyeed dhibaato waynni haysato taas oo ay keentay Qabyaaladdu , Waxaa Soomaaliya halyey ka ah kuwa xumaanta sameeya ee qabqablayaasha qabyaaladdeed ah , Halki ay hayd In Maamuska la siiyo ,, Axmed Guray , Sayid Muxamed , Sheekh Bashiir ,X. Faarax Oomaar , Sheekh Xassan Barsame ,Qoraa sarre X. Ismaaciil Talafoon, Aragtiyahan Cabduqaadir Sh. Sakaawadiin ,Gabayahan Cabdulaahi Suldaan Timacadde , Gabayahan Cali Xuseen Makaadsade, Ustaad Aadan Xaashi Cayroow IQK.
Dad Soomaaliyeedka qabyaaladdu Maanka ka martay waxay maamuusaan ama fiicnaan huwiyaan kuwo sida bahalka u fakara himmagalintoodduna huwan tahay qabyaalad , Taasu waa mida keentay in dadka Soomaaliyeed isbadal waayaan. Sooyaalkooddana xumaani ku sidkanaato.
W/Q Idiris A .Dooxa-joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Saxafigu maaha seef iyo sun shacabka lagu dilo,
Dalkasta waxaa dhisa oo horumariya waa : dadkiisa , aqoonyahankiisa ,waxgaradkiisa, hogaamiyahiisa, saxafigiisa culumaaudiinkiisa, haweenkiisa, dhalinyaradiisa, iyo dhammaan qayaha bulshada haddaaba ujeedada qormadan koobani waxay tahay waa maxay hadafka iyo ujeedada saxafiga Soomaaliyeed ee ku wajahan horumarinta ama samatabixinta umadda Soomaaliyeed?.
Soo godbinta farRiintaan waxaa sabaab u ah markii aan arkay qaar ka mid ah bahda saxaafada Soomaaliyeed oo weli ku howlan si xun wax u sheegida abuurista warar ama warbixino sababi kara sii kala fogaansho colaado iyo dhibaatoooyin hor lah haddaba maxaa la gudboon saxafiga Soomaaliyeed ee maanta?
Talo ahaan waxaan qabaa saxfiyaw inaad tahay horseedaha nabadda iyo colaad dawladwanaag iyo fawdo horumar iyo dib u dhac intaba waxaad tahay midka ay maqlaan ama ku soo hiigtaan wararkiisa dadka oo idil, waxaad kaalin weyn kuleedahay horumarka dalkaaga iyo dadkaada oo ay ka mid yihiin carruurtaada hooyadaa …aabbahaa walaalaha iyo dhammaan qoyskaaga aad jeceshahay,saaxiib waxaad aragto sheeg waxaad rabto ha sheegin Soomaalidu waxy tiraahdaa sixun wax u sheeg sixir waa uu kadaran yahay.
Ka sakaw xoriyatul qawlka , danaha caalamiga ah waa in aad oggaataa in aad tahay muwaadin Soomaaliyeed wariye qaran , ku shaqeey dhexdhexaad nimo cadaalad sinnaan itii aad awoodo waan ogahay iney jiraan duruuufo dhinacya badan sida amnigaaga dhaqaalaha iyo xuriyada , laakiin adiga ayaa go aansaday inaad xilligaan dhabarka uxirato dhammaan duruufahaas jira,ogaw in lagaaray waqtigii la is xisaabin lahaa qofkasta waxa uu geeso taariikhdu waxa ay xustaa wixii dhacay nina ma taageerto runta ayeey tabisaa taarrikhdaada ka ilaali baal madaw oo mugdiya inay gasho sooyaalkana aad magac xumo kala kulanto.
Waxaa hubaal ah in fariiinta ay gaari doonto in ka badan boqol weriya oo aan taasi macnaheedu ma ahan in dhammaan bahda saxaafad ay yihiin kuwa xadgudba laakiin waa dardaaran waa fariin ka madaxbanaan waana waano iyo wacyigelin iyo wax sheeg, saxafiyoow ha eegin kanaa wax ku siiyey, hana eegin kana ku xiga hana eegin kanaa dan kaa geli kartaa, ha eegin kanaa awood leh iyo kana awood yar hays dhihin dibadaa joogtaa yaa kula xisaabtamaya ee waxaad oggaataa inaad tahay masuul sida war iyo wacaal, warkaagu yuu noqon mid sababa dhibaato ee ha noqdo mid badbaado, wuxuu yidhi Abwaan Cali Gadhle ilaahay haw naxariistee:-
Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka mara kaca,
Haka talin Musiibiyo Wax makhluuqa kala dila,
Maskax-daadu yey noqon Maqal lagula leeyahay,
Oo boqol Muftaax iyo Lagu furo Masaabiir,
Sida Macawiisaha qaar ninba maalin yuu xiran
W/Q: Maxamed Shidane
shidanedabaan@hotmail.com
Faalo: Kismaayo oo marti gelin doonta finalka adag ee madaxtinimada Jubbaland!!! Col Hiirale V.S Ahmed Madoobe.
Gununuca Prof. Ex.Xildhiban Gaandi, Galbiska Axmed Madoobe , Is-Giijinta dowlada Kenya ee arimaha Jubooyinka, Gun-xumida Ex. Ra’isal wasaare Mudane abdirashiid ali sharmarke, Guuxa hoose ee Ex. Xildhiban Bare Hiiraale, Geediga ma-dege ee beesha Gedo degto  ,Gees u daaqnimada puntland, Gulufka beenaadka Galmudug , Galgalashada Ahlu-sunnah wal-jamaaca, Gardarada xabashida , iyo kuwo kale badan oo isbiirsaday ayaa jiif iyo joogba u diiday shacab waynaha dega gobolada jubooyinka, xilli maalin qura lagu dhawaaqay Sadex (3)  madaxweyne oo ay kala doorteen wax lagu sheegay odayaal dhaqameed la soo dhoodhobay, xilli kuwii rasmiga ahaa ee la yaqiinay ay ka digeen in mar labaad ummadda la iska horkeeno wixii mamul ah dowlada laga sugo madama ay dowlada matasho shacabka deegaanka iyo guud ahaanba shacabka somaliyeed.
Taariikhdu maalintay ku asteesneed 15 may 2013 ayaa wax mar qura is bedelay mowjadihii siyaasaded ee gobolada jubooyinka xilli ay shacab waynaha dega goboladaasi ka soo kabanayeen jujuubkii iyo arxandaradii kooxdii argagixisada ahayd ee alshabaab ee laga xoreeyay gobolada jubooyinka, balse iminka mowjad kale oo colaadeed ay la soo deristay taaso nasiib xumo ay ku tilmamayaan shacabka jubooyinka.
Magaalada kismaayo oo ah xudunta gobolada jubooyinka ayaa waxay soo maartay heerar kale duwan tan iyo burburkii dalka iyadoo ay iskaga gacan danbeeyen kooxo badan oo siyaabo kala duwan ku yimaada, halka shacabka marasta ah ee ku dhaqana deeganadaasna aysan ku dhaqaaqin wax lidi ku ah kooxaha yimada taas badelkeedna ay muujiyaan la shaqayn buuxda si ay ugu nooladaan nabad badelkii uu is qabqabsi dhici lahaa ama dagaal lagu hoobto.
Iminka oo ay dalka dowlada rasmi ka jirto ayaa deeganada jubooyinka waxay arintooda noqotay biyo kama dhibcaan ay hareeraha ka tagan yihiin qowleesto somaliyeed iyo kuwa kale oo calami ahba, kuwaas oo u hanqal taagaya natural resource uu ALLE ku maneestay deeganadaas, taasi oo hadii si ALLE ka cabsi ah ay somalida u qaybsato ay ka badan tahay balse somalida aysan ka muuqan imaankii ay wax isku deeqsiin lahayeeen..
Isku soo wada dubo arinta jubooyinka ayaa waxay noqonaysaa mid ay ka dhalato cawaqib xumo hadii madaxweynasha is magacabay ee dowladaha shisheeye dabada ka riixayan aysan garan waxa danta ugu  jirto umada somaliyeed, dowlada dhexe ee somaliyeedna aysan ugu danbeeyn ayaaha dalka madama dowlada loo wakiishay in ay dalka ka aramiso muddada afarta  sano ee soo socota wax walba oo arimaha wadanka quuseeyana ay hormuud ka ahaato inta NGO iyo dowlado shisheeye ay hormuud ka ahaan lahaayeen..
ALLOW DHIBKA KA DULQAAD SHACABKA JUBBOYINKA IYO GUUD AHAN SHACABKA SOMALIYEED EE DHIBATAYSAN….
Qalinkii:-Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
Selangor-Malaysia
Mahamed09@gmail.com
Maqaal: Gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Abdulsalan iyo Maamul Goboleedka Puntland Faroole oo si hoose u heeshiyay (Document sir ah ku lifaaqan)
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Abdulsalan iyo Maamul Goboleedka Puntland Faroole oo si hoose u heeshiyay (Document sir ah ku lifaaqan)
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa wuxuu shaqaaleyay Lobbyst firm Moffett Group shirkadaas oo la shaqaysa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland uuna iska leeyahay nin beri hore ahaan jiray congresska maraykanka oo la yiraahdo Toby Moffet, isla marka ninkaas wiil gabadhiisa qaba oo la yiraahdo Toby Constantine ayaa wuxuu u yahay la taliye qaas ah Sr Advisor Madaxwenaha Puntland Faroole. Heshiiskan Faroole iyo Gudoomiyaha Bankiga Abdulsalan waxaa isku xiray Gudoomiyihii Barlamaanka hore Shariif Xasan oo aad ugu dheereya sida loo lunsada hantida dawlada. Heshiiskan oo ka dhacay Hotel ku yaala Nairobi ayaa lagula heshiiyay in Abdulsalaam uu shaqaaleeyo Moffett Group isla marka Faroole iyo Sharif Xasan ay bixiyaan qarashka ku baxaya oo ah $10000 bishii oo loo hormarinayo lacag dhan $60000 taas oo lagu raadinayo lacagihii Somalia kaga maqnaa dibada iyo Gudoomiyaha oo ku tala jiro inuu iibsado Dahabkii Dawlada Somalia uu yiilay New York Federal Reserve oo waqtigii dawladii hore lagu qiyaasay $60 million oo hada qiimuhu kor u dhaafay ilaa $350Millions arintaas oo laga yaabo beryaha fooda nagu so ohayo in la fuliyo
Mar aan la xiriirnay Moffett Group waxay inoo sheegeen in shaqadoda ay aad ugu dhow yihiin in ay dhamaato bisha June ee sanadkan.
Fadlan hoos ka aqri Contracts ay gashay Puntland iyo Bankiga dhexe. Waxaa aad ula yaabnay habka uu u galay Governoerka AbdulSalaan oo uu wakiil ugu dhigay Shirkad ajanabi ah inay ka wakiil tahay Central Bank of Somalia taas micnaheedu tahay in ay shirkadaas qaadan karto lacag iyo xoolo walba ay ummada soomaliyeed leedahay waxay soo dabacan kartaa Lacagta shillin Somaliga ah. Sideedaba marka aad contract aad galaysid masauliyad waad siin kartaa oo ku kooban derejadada laakiin Banki dhan oo ay Ummad dhan leedahay ma siin kartid waakilnimo arintaas waa qiyaano qaran maxaa yeelay waxaa la doonayaa hadii shirkadaas oo ah mid aad u yar oo aanan xafiis lahayn kana shaqeeyaan 3 qofood wax lunsato la yirahdo aniga shaqa kuma lihi.
Waxaan aad ula yaaba Dawladan iyo kuwii ka horeeyay mar walba waxaa qiyaama dad ku qaraabta waxaan ahay PHD sooma oga kumaan kun oo PHD waxay u shaqeeyaan dad aanan weligood school aadin aqoonta waxaa ugu wanaagsan tan loo dhashto oo ilaahay ku siiyay.
Haddii aan ka hadla si loo maaweeliyo Dawlada Shariif Xasan iyo Faroole ayaa waxay ku tala galeen in Motion laga geeyo xukuumada si aan loola socon dhaqdhaqaaqa Gudomiyaha Bankinga oo arrimahan oo dhan ka hagaya Mogadishu iyo Nairobi.
Waxaa Heshiiska ay wada galeen sadexdan nin ka mid ah hadii ay dhacdo dawlada Saacid in AbdulSalam laga dhigo Wasiirka Maaliyada iyada oo Bankiga Dhexe loo magacaabayo Bashiir Ciise.
Fadlan hoos ka daabaco Documentka halkan ku liifaaqan.
http://somaliweyn.com/pages/news/Puntand5802-Exhibit-AB-20110908-9%20(1).pdf
http://somaliweyn.com/pages/news/Central%20Bank-Exhibit-AB-20130404-12.pdf
Ahmed Salah PHD, Economics and Finance
Birmingham, United kingdom.
Maqaal: Muqdisho Xagee u Socataa ?? Dr Ali Hiraabe
Waxaa xaqiiq ah in caasimada Somalia ee Muqdisho xiligaani aay u baahan tahay in laga hadlo halka aay u socoto iyo meesha aay ka timid 22 sanno ka dib,Muqdisho oo ah gobol ka mid ah gobolada Somaliyeed balse ilaah ka dhigay caasimadii umada Somalia ayaa noqotay mida ugu badeeyda xaga xasuuqa dadka Somali iyo burburaka xaga dhismaha markaad u fiiriso gobolada dalka intooda kale.waxaan jeclahay in aan qormadaan ku soo qaato xagee u socotaa Muqdisho 22 Sanno kadib ??
Waxaa aay ila tahay in aanan loo baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xaga barakaca iyo burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay 1991 balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo kuwii hormuudka ka ahaa burburkaa iyo barakacaa Muqdisho ku dhacay in maanta aay leeyihiin dowlad goboleed qabiil ku dhisan,inkastoo dalka xiligaan dastuurka qabyo qoraalka lagu heshiiyay uu sheegayo in laga guuray ka maamulida dalka hal meel ( centralize ) loona guuray habka federaalka oo aanan weli si cad u qeexneen habka federaalka ee loo gudbaayo ayaa weli waxaa mugi ku jira mustaqbalka siyaasada G.Banaadir ,waxaa dhab ah in Muqdisho aay u baahan tahay siyaasad salkeeda adag tahay sida manta muuqataana Muqdisho waxaa eey u baahan yahay hogaan xalaal ah oo umada ku hogaamiya cadaalad is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada cida ay hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha. (good leader) sabbabta oo ah hogaankii hore ee Muqdisho soo maray shacabka uma horseedin nabad iyo wadanoolaansho dhab ah ,sabbabta oo ah midna ma uusan odorisin siyaasad saldhigeeda yahay nabad & wadanoolaansho xaq ah balse colaada socotay ayeey qeeyb ka ahaayeen dhamaan sabbata oo ah dhaxal ama raad wanaagsan uguma eeyan tagain shacabkii eey ka dhasheen ee G.Banaadir balse gumaad iyo foolxumo.
Gudoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” waxaa la magaacay July 2010 walow uu ahaa nin qurba joog ah hadana weli waxaa shacabka G.Banaadir aay sugayaan hogaan aay soo doortaan ayaga oo xor ah ,waxaad moodaa in mudane Tarzan aayan maskaxdiisa ku jirin in shacabka G.Banaadir uu gaarsiiyo in aanan loo doorin gudoomiye danbe balse aay xaq tahay in ay soo doortaan shacabka degen gobolka Banaadir.
Tarzan waxaa laga sugaayaa ?????
a) Tirakoobka shacabka degmooyinka G.Banaadir
b) Sameeynta ID ( identification ) aqoonsi .
c) Shcabka ama dhalinyarada G.Banaadir waa in aay ka mid noqdaan soo celinta nabada dhamaan degmooyinka G.Banaadir,maaha in ciidamada ka yimid gobolo kale aay ilaaliyaan degmo aayan u dhalan sabbabta oo aqoon uma laha degaanka uu shaqada ka hayo.
d) Abaabulka degmooyinka in aay la yimaadaan shaqsiyaad matali kara oo ka mid noqda golaha deegaanka G.Banaadir,golahaas oo leh awooda sharcidejinta.
Haddii aanan la helin xaqa G.Banaadir shacabka degani aay ku leeyihiin dowlada dhexe ilama aha in nabada iyo wada-noolaansho dhab ah aay ka sii jiri doonto Muqdisho,waxaa hada socda oo uu shacabka G.Banaadir u dulqaatay in daqliga Madaarka & Dekeda ka soo galaa Gobolka Banaadir ay maamusho dowlada dhexe laguna marsuufo xildhibaano iyo wasiiro aanan u dhalan G.Banaadir ,waxaan leeyahay waxaa aad raadineeysaan 22 sanno ee aheeyd in dowlada walbaa Muqdisho lagu soo ururiyo xaqa Muqdisho la duudsiyo balse lagu marsuufo kuwa aanan raali ka aheeyn nabada & wadanoolaansha Somali waa xaqdaro,waxaa la joogaa xiligii shacabka G.Banaadir aqoon yahan,indheergarad,iyo ururda bulshada ee G.Banaadir aay cadeeyaan in la soo gaaray xiligii doorashada iyo ku dhaqanka siyaasada golaha G.Banaadir la fulin lahaa,dalka sidii uu ahaa maaha balse waa federaalka nin la soo magacaabay ha ugu danbeeyo Tarzan ninka xiliga waa in shacabka G.Banaadir uu soo doortaa uuna noqdaa nin aragti dheer leh og waxa la soo maray iyomeesha loo socdo,maaha in dowlada dhexe oo kaliya la dhageeystaa balse golaha G.Banaadir waa in la maqlaa codkooda,akhristow haddii kale G,Banaadir waxaa xeerer u sameeyn doona xildhibaano aanan u dhalan Muqdisho kuwaas oo leh hadaf ka duwan midka golaha G.Banaadir
Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan
Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan
Dr.Ali.A.HIrabe​​Hirabe_a@hotmail.com
Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday Mooshinkii Dhicisoobay.?
Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi.
Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii Q/midoobay, gaar ahaana UN Somalia Monitoring Group iyo urururo kale oo caalami ah sida International Crisis Group ICG taasoo ku tilmaantay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers). Lana xanibi doono dhaq dhaqaaqooda iyo weliba hantidooda.
Kooxahan ayaa waxaa hor boodaya xubno horay uga tirsanaan jiray dawladdihii KMG ahaa, kuwaasi oo ku caanbaxay Musuq maamusuqa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hurinta colaadaha sokeeye iyo khal khalgelinta Nidaam kasta oo ka hirgala Soomaaliya.
Kooxahan ayaa dabagal la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu horboodayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kal kaalisadiisa Fawsiya Maxamed Sheekh, kuwaas oo boorka isku qarinaya isla markaana ku beer laxawsanaya xildhibaanada beesha Dilgil iyo Mirifle xaqiina ayaa maqan, waana inaad kacdoon sameysaan.
Shariif Xasan oo dadka badankiis u yaqaanaan (Shariif Sakiin) ayaa ku caanbaxay Musuq maasuqa hantida shacabka, waxaana Q/midoobay ay ku eedeysay inuu lunsaday Malaayiin Dollarka Mareykanka ah oo gargaar ahaan loo siiyay dawladda Soomaaliyeed, intii uu hayay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dawladdii Cumar C/rashiid, iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlaamanka waana ruuxa kali ah ee magaciisu safka hore kaga yaalo warbixin kasta oo laga qoro musuqmaasuqa sidoo kalana waxaa lugu tilmaamaa inuu yahay Siyaasi aan waligiis laga maqal lagana dareemin dhibaatada amni xumo ee soo ragaadisay dalkeena.
Kalkaaliso Xildhibaanad Fawsiya, waxay caan ku tahay daba orodka Shariif Sakiin, waana gacan yaraha Shariif Sakiin, waxayna warbixintii Q/midoobay ku eedeysay inay ka shaqeyso falalka is xambaarka ah iyo tahriibinta (Human Trafficking) dumar iyo dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka iibsato Viisooyin ay ku soo qaado qaab safaro siyaasadeed, caafimaad iyo waxbarasho, waana Qaswadayaasha magacyadooda sida weyn loogu xusay warbixintii UN Somalia Monitoring Group iminkana ku howlan mooshinka dhicisoobay ee lagu doonayo in lagu damiyo iftiinka iyo rajada shacabka ee Xukuumada Raysal wasaare Saacid.
Dadka kale, ee la ogaaday inay ku lugleeyihiin mooshinka dhicisoobay ee ka dhanka ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirasaaq Xasan Cusmaan (Jurille), kaasoo aan u baahneyn falanqeyn dheeraad ah, maadaama ay Soomaalidu wada garaneyso uuna caan ku yahay wax isdabo marinta siyaasada labo wajiilenimada iyo hurinta colaadaha, horayna u boobay hanti fara badan oo dalku lahaa, gaar ahaana lacagtii mashruucii caanka ahaa ee FAO, kaasoo loogu talagalay horumarinta adeega bulshada Soomaaliya iyo ku shubistii suntan ee lugu aasay badda Soomaaliya.
Jurille ayaa sidoo kale, ku caanbaxay duminta dawladdaha iyo laaluush qaatenimada, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa maja xaabintii dawladdii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna aad ugu dadaalaa in dalka aysan dawlad ka dhalan, maadaama uu ka cabsanayo in maxkamad lagu soo taago boobkii hantida Qaranka.
Ninka ugu dambeeya, waa Xasan Abshir Faarax oo mar Raysal wasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xassan , ninkani wuxuu caan ku yahay siyaasada nooca munaafaqeynta iyo labo wajiilanimada ku dhisan iska hor keenka qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo hurinta colaadaha sokeeye, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa hurinta dagaalkii weynaa ee magaalada Muqdisho ka qarxay 1992-dii, kaasoo loogu magac daray dagaalkii Afar biloodlaha, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay kumanaan dad rayid ah.
Ninkani, isagu wuxuu aad u jecelyahay inuu ka hor yimaado xukuumad kasta oo dalka ka dhalata, waana nin uu madax maray hanka Kursi doonimada ah, isaga oo ku doonaya si kasta oo uu ku heli karo kursiga Raysal wasaaraha, waana sababta uu ku diidan yahay Xukuumada Raysal wasaare Saacid.
Xasan Abshir waayihii ugu dambeeyey wuxuu aad ugu howlanaa siyaasada qariban ee Jubbooyinka, wuxuuna qeyb ka ahaa kala fogeynta dawladda iyo horjoogayaasha Jubbooyinka, iyadoo aaqirkii dhashay maamulo is barbar yaac ah oo sii fogeeyey rajada ummadda Soomaaliyeed.
Gabagabadii, aqristayaasha sharafta leh, waxaan u balan qaadeynaa inaan u soo gudbin doono warbixno cad cad kuwaasoo cadeyn u ah, talaabooyinka qaloocan ee ay qaadayaan kooxahaan qaswadayaasha ah kuna caanbaxay musuq maasuqa, laaluushka iyo khal khalgelinta horumarka dalka.
Leyla Xuseen Cilmi
Leylaxusen114@gmail.com
Madaxmweyne: Maandeeq maalin laguma maalo!
MAANDEEQ Soomaalidu waxay ula baxdaa Dumarka, Xoolaha  iyo wax walba oo ay aad ujecel yihiin, agtoodana qaali ah, oo uu ugu horreeyo Geelu. Eragu wuxuu iska saaran yahay labada eray ee: “MAAN” iyo “DEEQ” oo ka dhigan wax qofka maankiisa deeqay, maadaama maanku yahay xubinta ugu muhimsan ee Aadanaha hagta.
Waxyaabihii MAANDEEQ kaloo loo aqoonsaday waxaa ka mid ahaa XORRIYADDA. Haddaan Tusaale u soo qaaddano waagii Gobonnimo doonka ee lagu raadinayey dowladnimo, maamul iyo nidaam Soomaali hoggaanka u hayso ayaa Maandeeq loogu yeeri jiray XORRIYADDA ee wuxuu yiri. Waa halkuu Abwaan Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde “AUN” ka yiri:
Gumaysigu HASHUU naga dhacay, Een gurayey raadkeeda
Gaashaandhiggeedii HASHUU, Galowgu eedaamay
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, Noogumay garane
Garre iyo Guntane maalintay, Gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo, Noogumay garane
Haddaba, weydiintaydu waa: maxaa DAWLADDA loogu mgacaabay MAANDEEQ? Illeen Soomaalidu DAWLAD ma jeclaane? Kama muhimsane, horta yaaba ku taliyey in magacan DAWLADloo baxsho? Laga yaabee, inaad i tiara; waxaa looga jeeday in dawladdu wax wanaagsan tahay, haddana, waa hubaal inaan wanaaggeed la arag, iska daa in la xaqijiyo inay wanaasgan tehee.
Maanta MAANDEEQ waxaa madaxeeda ku magacaaban mudane Xasan Sheekh, taa awgeed, ayey ila dhaafi waysay inaan eraydan ku wajho isaga, kolleey iga waaya aragsan, haddana, af nooli hadal dhaafi waa.
KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre ayaa BARQO CAD la diray isagoo madax u ahaa ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika. Inta ku hortaal eeg, wixii Dawlado ku meel gaar la soo dhisay, Dawladdii Carta, C/Qaasim iyo Prof Galayr buuqii laga dhalshay, waa lagu caana maalay, oo waxaa kursigii loo dhiibay Xasan Abshir Faarax, oo ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna ku xigsaday, ka dib markii xilka laga qaaday Xasan Abshir.
Shirkii Kenya wuxuu dhalay Jabhadka ugu cimriga dheer Geeska Afrika, waan filaa inaad Xamar joogtay wixii dhacay kaaga sheekayn maayo. Waxaa xigay dalwaddii Shariif, mabda’ la’aan ka sokow, waxaa la degay musuq sayaasadeed iyo maalba. Ina Sharmarke heshiis dhagareedkii Gaalkacyo ka sokow markuu xilka ka dagayey laba Malyan oo Dollar ayuu hore u sii qaatay, malaha waa midda uu hadda Jubbooyinka ku qasayo.
Formaajo markii la magacaabay, in kasto oo uusan qudhiisa aragti la ammaano horey u qabin, maadaama uu buug uu qoray beelo Soomaaliyeed iyo madaxdii dalka soo martay ku aflagaaddeeyey, haddana, in xilka laga qaado, waxaa ku tookhay Mudane Faroole, isna waxaa xigsaday Gaas, kii horaba ka dar! Maxaa yeelay dadkaba wuxuu ka yaqannay Reer Bari, waa ninkii is hortagay aqoonsiga Maamulka Khaatumo State, waxaanse la yaabaa, marka aa arko Prof Galayr oo sidii Qawsaar Geeljire ah u dhaqmaya. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiara:  “Hal diidaysaa geeday ku xoqoto ma waydo!”.
Maanta marxalad cusub ayaa la galay, dawlad walba caqabad ayey yeelatay oo ama ridday ama raadkeeda tirtirtay. Taada waxay eersan doontaa laba arrimood, oo mid ay la wadaagto kuwii hore midna u gaar ah, oo kala ah:
FEDERALKA [BEELEYSIGA]
DASTUUR DADBAN [DABRAN]
Kan hore waa kan Jubbooyinka ka socda, oo ay ku yeelatay dhawr madaxweyne wax ka yar 48 saacadood. Way iska caddayd inay sidaa wax ku dhammanayeen, waxaa sabab u ah faraglinta shisheeye ee ay ugu horreeyaan Kenya iyo Norway Itoobiyana ha moogaan.
Madaxweyne Wiilkii AANAS yare eed London ku aragtay wuxuu ku yiri: “MADAXWEYNE LAGU WADA AMMAANI MAAYEE, YAAN LAGU WADA CAAYIN!”.
Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan Dastuurka, Federalka iyo Maamul Goboleedyada, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:
DANO SHISHEEYE
DANO QOFEED
DANO BEELEED
Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalay FASHAL ama FADHIIDNIMO jira! Waxaan uga jeedaa, markii hore way kuu ekayd inaad Axmed Madoobe Wasiir ka dhigto, adaaba albaabkii isku soo xiray, ee toban Wasiir ayaadba dhaafi waysay, adoo waliba ka tagay Wasaarado muhim ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashashada. Marka aad ka gudubto caqabaddiisa aad bannaanka dhigto, ayey ahayd mase dhicin, dib u fiiri, dawladdii C/laahi Yuusuf, ama tii Shariif, waxaa sal u ahaa QABQABLE iyo WADAAD, muddo ka dibna waa la wada xaaqay.
Hadda tallaabada ugu muhim waa; in ama uu IS CASILO ama aad adigu XILKA KA QAADDO Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka c/kariim Xuseen Guuleed. Maxaa yeelay isaga ayey ahayd inaw kala furufuro hawlahann, iyana ma dhicin, wali waa taagan tehee, isaga ka billow tallaabada ugu horraysa.
Kaa kaliya ma ahan, waxaa aad lagaaga yaabay marka aad wali baalka ugu haysato Mudane Tarzan. Xilka uu hayo in la kala qaado oo laba qof loo dhiibo waa muhim xaaladda lagu jiro awgeed. Midda lala sii yaabay baa ah waxa aad la sugtay Shariif Shuukhunaa Maye  oo gurigiisa laga helay hub Sharci darro ah, hadduu qabqable ahaa waaba la garan karay, balse, wuxuu ahaa Taliyihii Booliska Soomaaliyeed. Waxay ka dhigantahay Halkay Soomaalidu ka dhihi jirtey: “Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo!”.
Mooshin ku sheegga Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey kuwa geeyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan la sheego, maxaa yeelay Beel ayey matalaane shacab iyo umad ma matalaan! Haddii ay noqoto inay beel gaar ah u bataan, waa in beesha odayaashooda loo gudbiyaa cabasho ka dhan, hadday iyagu tabanayaanna waa inay soo gudbiyaan, ee ma ahan inay mooshin ku dhuuntaan. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannada Mooshinka wadaana waa qaabkaas. Haddaad hungurooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:
XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan hadii xukuumaddani dhacdo, tan dambee la soo dhisayo.
XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddo aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!
LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!
MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.
Waxaa LIX BILOOD la sugay si uu u soo ifbaxo KHILAAF adiga iyo Saacid, ama Saacid IYO Jawaari, am adiga iyo Jawarim markii la arkay in aysan soo socon khilaaf oo aad tihiin [KOOX QURA] ONE-TEAM, ayey dani bidday inay BANNAANKA is keenaan, iyagoo ku soo daba gabbanaya cabanashooyin beelo kale qabaan, iskuna soo dhex qariyeen.
Laakiin umadda Soomaaliyeed markaan tooshka ayay ku wada haysaa, waana la fahansan yahay arrinta Jubbaland waxa qasaya oo dabada ka riixaya. U fiirso: CUMAR CABDIRASHIID, FAROOLE, CABDI  WELI GAAS CADDE MUUSE iyo qaar kaloo badan oo Malaa’ig iska dhigaya! Ayna ugu horrayso SAHAL iyo TV-yada saacadaha ka soo gala Magaalooyinka Minnneapolis, iyo San Paolo, ee Gobolka Minnesota, balse ku hadla had iyo jeer afkaarta reer qura.
Mudane Madaxweyne hana u joojin dadka danaystayaasha ah ee ay ku fogaatay qabyaaladda iyo qabiilku, ee gabbaadna ka dhigta FEDERAALKA.
Ma tihid Malag danbi la’aan ah, balse cabashada maanta yeeraysa ma aha mid SHARCI ah. Waxaa ka marag kacay Xildhibaan Xoosh, oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka, oo yiri:  “Waxa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ma Waafaqsana Dastuurka!”.
Maahmaah ayaa leh: “Nin Xaaskaada u jeeda Gabadhaada kuma qanco!” oo la mid ah Faroole iyo inta la fekerka ah inay xil helaan ma ahan si kale kuma qancaan! xitaa ma gartaan inay afartaan sano sugtaan, inta ay wayn lahaayeen waxay ka xigaan in Soomaali IS LAYSO! La kala Aamin BAXO! La kala GUURO!
MOOSHINADDA socdaa waa KU MEEL GAARKII dib loogu LAABTO!  Waxayse halmaameen in KU MEEL GAARKII looga baxay: Sabarka SHARIIF ee JILJILEECU la socday + DALLAALNIMADII SHARIIF SAKIIN + ISKA FIIRSIGII SOOMAALIDA KALE + DAALKII DUNIDA IYO CAALAMKA oo ay ka ahayd bal hal mar na mootiya, oo KU MEEL GAARKA dhammeeya. Hubaal Soomaaliya inaysan wayn doonin waddani dhab ah oo gadaal ka saxa qaladaadkan iyo damaca foosha xun ee jira!
Mudane Madaxweyne, haddii aadan la imaan KARTI, DULQAAD badan, DABACSANAAN Wallee inaadan geeddiga MAANDEEQ meel dheer gaarsiinayn! Taa macnaheedu ma ahan, inaad Rikaatto walba u nuglaato, ee waa in ninkii cabasho xaq ah wata aad dhagaysatid waxna ka qabatid.
Maanka ku hay, Maamul waxaa dhaama ama halleeya waa inta hoos ka shaqaysa, intiinna sare wax aadnaan ogayn ama ka warqabin ayaa hoostiinna laga laaqayaa, u badi inay xumaan iyo xasarad abuur kaliya tahay. Marka waa inaad lahaataan dareenno dheeraad ah oo aad ku ogaataan inta qaska wadda.
Ka muhimsane, Mudane Madaxweyne dawladdaada dalwad ka awood badan burburkii ka dib lama dhihin. Haddaba, waa inaad awooddaa ku adeegataa, adoon cidna ku gardarroonayn kuna xadgudbayn. Waana inaad ka billowdaa in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa ood ku summaddaan QASWADAYAAL, illeen haddaan taladiinu meelmarin meesha maxaad ku haysaan?!
Taa adigu eed kuma lihid,  oo hortaa baa la jideeyey, marka waa uun SUNNO jirtay oo aad dabbaqday. Waxaa iila yaab badan kuwa maanta ka mudaharaadaya deegaanka Bari jacayl ay u qabaan Jubbooyinka ma ahane, dantooda ayey ka dhex arkeen, markuu Faroole lahaa Soomaali Galbeed Soomaali ma ahan, ee uu Itoobiya u gacan galinayey qofna kama hadal, waaba ku taageersanaayeen, dadka gacan galinta mudnaa lahaa Axmed Madoobe ayaa ka mid ah, balse, maanta waa lagu Awr kacsanayaa, Allaw doqoni damiinsanaa!
Suuragal ma ahan mana la qaadan karo in maalin walba WAFDI DAWLADDA ka socda iyo MASUULIIYIN laga celsho Garoonka Magaalada Kismaayo. Iska daa Mudane xil hayee Muwaadin Soomaaliyeed ee aan Dambiile ahayn in laga celshaa qalad ah, idinkuna waad ku fiirsateen. Kaaga darane, ninka waxaa samaynayaa wuxuu ka soo boqooleey Soomaali Galbeed.
Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa WADAADADII WAALLIDA WADAY! Waxaan sidaa u leeyahay wuxuu ku jiray firxadkii Maxkamadaha, ka dib ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka.
Maanta waxay taagan yihiin Maamulkaa wuxuu xarun u noqon karaa Mucaaradka Itoobiya, sidaa awgeed waa in laga hortagaa. Tani waxay keenaysaa in laga faa’iidaysto ka biya diidka Itoobiya, illeen waxa halkaa ka soo socdaa waa hubaal inaysan dan Soomaali ku jirine.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Faallo:Reer Puntland Maxaa Barre Ku diray ?W/Q Idiris A.Dooxa-joog
Dadka Soomaaliyeed waa dad qabyaaladdu ka fogaysay bini’aadamka caadiga ah , waa dad ku nool xin , isxastid , Faduul iyo isfadqalalayn dhexdoodda ah .
Siyaasadda oo ah Danta Dhul u dhashaha (Muwaadin ) Wadar ahaantood, ayay Soomaaliddu dhex galiyeen Qabyaalad , Taasu waa midda sababtay in Soomaaliddu ahaaddaan dad dunida ku dhiban .
Waxaa Maalmahaan dadka Soomaaliyeed ee dadka dagaal ahi indha ku hayaan colaadda ka taagan Jubbooyinka , ee ay sababtu tahay dhulkaas oo la wadda dagan yahay iyo Federaalka qabyaaladdaysan ee Soomaaliya dastuurka loogu dhigay .
Haddaba innaga oo xumaanta qabyaaladda teedda siyaasaddeed iftiiminayna ayaynnu soo qaadanaynaa Mid faallo mudan waa qormadda Magaceedda sarre ,Reer Puntland Maxaa Barre Ku diray ?
Inta aynnaan Wayddiinta ka jawaabin aan soo qaadano sida Indha l a’aanta ah ee ay Cadde Muuse , Cabdiwali Gaas , Odaydda Gobolka Bari iyo Madaxda Maamulka Puntland-ba usoo dhoweeyeen Madaxwaynenimadda Aadan Madoobe , Halka Odaydda Bari Barre Hiiraale ku tilmaameen Qaswaddee
Wayddiin-celinta waxaynnu oraynayaa Siyaasiyiinta, Odayda iyo Maamulkoodda koox odayeed ee Puntlandba ,ma waxaa qalbigoodda qabyaaladdu ku xaradhay ” 11-juun-1999 Maalinti isbahaysigi dooxadda Jubba ee Galguduud ka soo gooshay ay ka gacan maroojiyeen Maamuliddi Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ee Kismaayo ? Ma 1999-Jan- Ganacsataddi Reer Bariga ahayd ee Kismaayo lagu dilay ee Sagaalka ahayd ayay xasuustaan ? Ma Barre Hiiraale ayaa koox odayeedka Hoggaamiyihi Kacaanka ka tirsanaa bay leeyihiin? , Barre Hiiraale Koox odayeedka uu ka tirsan yahay Ma Federaalka ayay Diidan yihiin ? Mise mid kali ah ma ahane waa intaas iyo Inno kale oo is-biirsaday sababta ay Reer Bareigu Barre Hiiraale ku diidan yihiin Aadan Madoobe oo aan Dalka Soomaaliyaba ka soo jeedin oo dhulka Gacanta Gumaysiga ku jira ka yimi ay ku dooranayaan ?
Waxaa Hubaal ah in Puntland ay tahay Maamuladda dalka Soomaaliya ka jira ee Koox odayeedsan kiisa ugu dhibta badan ee Soomaalinimadda ka dhanka ah Kolka laga Yimaaddo Qolyaha SNM ee Hargaysa iyo Burco leh waa dalaylaynaa oo Ictiraaf doone ayaan nahay .
Odayadda iyo Siyaasiyiinta Reer Puntland Miyaysan Ogayn in Barre iyo Aadan Madoobe yihiin Labba Madaxwayne oo la soo wadda doortay mid kastina uu isagu koox dad ah ku urursaday Guri ka dibna ay doorteen , Ma doorasho ayaa doorasho ka maamus badan ?
Federaalka Puntland ay ku qafiiftay ee dhibaatadda daran usoo hoggaaminaaya dadka dalka Soomaaliya waa taas cadaysay (Puntland) Mowqifkoodda Federaalnimo ee qabyaaladdaysan ,Federaalka Puntland Rabtaa ma mid Dhexdhexaadnimadda inta laga fogaado si jidbo qabyaaladdeed ku dheehan tahay loo taageero dhinac aad isleedahay waa mid aad isku danno tihiin nooca ay doontaba ha ahaatee , Maxaa Puntland Kismaayo ka galay , Haddii ayba leeyihiin dad koox odayeedkayaga ah ayaa dagan (waa qabyaaladdoodee) kolkaas labbadda Madaxwayne Barre iyo Axmed Maxay u kala jeclaysan ? Taas kor baynnu ku xusnay .. Qabyaaladda ayaana leh indho la’aan in la socdo .
Soomaaliya waa dal dhibaato wayni haysato waxaase ayaan daro ah in dhalinyarradda Soomaaliyeed u kala saftaan qabqablayaasha kala soohdimaystay dalka Soomaaliya ee ku dheefsadda dhiiga dadka Soomaaliyeed , Ma sidaas ayaynu ku jiraynaa Inta aynnu dunnida korkeedda joogno ? Sidee? Sidaas aan dhexdeena cadoowga isku nahay ee Qabyaaladdu gabarashadda qafilatay , Faaladdu ma siinayso Barre Hiiraale iyo Koox odayeedka uu aminsan yahay Wanaag waddayaal ee waa qabyaaladdoodda kuwo door bidaaya , Bal Puntland iyo Federaalka ay ku qayliso ayaynnu tilmaamaynaa Aqriye .
W/Q Idiris A .Dooxa-joog
E-Mail: Dooxajoog5@gmail.com
Sidee loo noqdaa maamule Isboorti? WADANIGA DHABTA AHOW DHUGO!!!!
Qoraalkani ma ahan mid laab la kac ah, mana ahan mid cid wax looga sheegayo  laakin waaa qoraal loogu tala galay in looga horgato dad usoo dhar-dhigtay been sheegid, iska hor keen umada Soomaaliyeed, dib u abaabul barnaamijkii qabiilka ee waa hore leyska ilaaway, af-lagaadeyn masuuliyiin qaran iyo been sheegid iyadoo qur’aanka kariimka ee aan ku dhaqano uu cadeeyay in beentu tahay xaaraan.
Hadaba muhiuimada ugu weyn ee qoraalkan ayaan ku eegeynaa sida loo noqon karo masuul Isboorti iyo sida Isboorgtigu uu uga madadx banaan yahay wax-yaabaha hada Soomaaliad naafeeyay ee loogu magac daray wax weybsiga 4.5, iyo hadal heyn muddooyinkan soo badatay oo la yiraahdo (Ehel Isboorti), waxaana ugu talagalnay qoralkan in sidoo kale aan ku iftiimino cida lagu tilmaami karo ehel Isboorti.
Waxaan sidoo kale qoraalkan ku bareynaa dadka Soomaaliyeed intooda aan wax badan kala socon taarikhda dadka maamula Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiiradiisa ay ku leeyihiin Isboortiga. Qoraalkan gudihiisa waxaan isku weydiineynaa dhowr su’aalood oo jawaabohoodana aan isla qoraalkan kusoo bandhigi doono.
YAA EHEL U AH ISBOORTIGA?
Ka hor inta aanan guda gelin cida Isborotiga Soomaaliyeed ehelka u ah iyo cida aan u ahayn, waxaan yara sharaxaad ka bixineynaa kalimada EHEL iyo macnaha buuxa oo ay xambaarsan tahay.
Ehelnimo, waxaa ay ku timaadaa laba siyaabood, waa tan koobaade waxaa ay ku timaadaa DHALYO, midaas dhalyada ku timaada hadii aan eegno dhamaan umada Soomaaliyeed ayaa wada ehel ah maadama ay wada dhasheen. Tan labaad ehelnimada Shey ehel loo ahaado, waa inay noqotaa mid joogto ah laakin ma ahan mid mar bilaabata ee hadana dhamaata, kaddibna la sheegto in sheygaas ehel loo yahay.
Marka aan usoo laabano Isboortiga yaa Ehel u ah, runtii qofkii mar soo cayaray ama sanado soo cayaaray kaddib xeyndaabkaas isaga baxay gebi ahaanba ehel laguma tilmaami karo, sabatoo ah qofkaasi ehelnimadii wuu kabaxay, waxaase ehel isboorti ah dadkii ilaa iyo waagii ay cayaaraha soo bilaabeen ilaa i yo hada ku dhex jira unasoo taagnaa ka shaqeynta horay usii dhaqaajinta Isboortiga oo lagala soo kulmay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay in dad badan oo muhiim ahaa noloshoodii ku waayeen iyagoo xilalkooda gudanaya.
Kuwaa ayaa runtii ehel u ah isboortiga waxaana tusaale kuugu filnaan doona masuuliyiinta hogaankla u haya Isboortiga Soomaaliyeed oo aan si kooban uga sheekeyn doono taariikhohooda xiliyadii ay soo bilaabeen iyo sida ay ilaa iyo hada u dhex taagan yihiin.
DASTUURKA OLOMBIKADA ADDUUNKA HALKEE KAGA TAALAA IN QOF SOO CAYAARAY OO KELIYA UU MAAMULE NOQDO?
Guddiga Olombikada adduunka oo ah hey’ada ugu sareysa ee maamusha Isboortiga aduunka wadamada xubnaha ka ahna ay ku dhaqmaan dastuurkeeda oo lagu dabaqay dastuurada dalalku leeyihiin oo ah ku lamaansan kan IOC lama sheegin meel ay kaga taalo in qofka Isboortiga dalkiisa hogaaminaya uu ahaado qof horay usoo cayaaray, waxase dastuurku uu cayaartoyd ku tilmaamayaa farsamayqaano shaqada ay qabanaayaan ku kooban hadib karka ay gaboobaana cidii maamul rabta ay jamacad u gasho oo soo barato, qofkii soocayaaray ee aanmaamul barana waxaa uga dhwo qofkii maamulka isboortiag soo barta isagoo aan marnaba soo cayaarrin sida dastuurku leeyahay, sababtoo ahy horumarin ayaa markaas laga shaqeynayaa ee lama cayaarayo
Laakinsu’aashu waxay tahay yaa isu sharixi kara xil Isboorti?
Xil Isboorti waxaa isu sharixi kara sida dastuurku qabo qof ku dhex jira xeyndaabka oo isagoo aan wali ka bixin isusoo sharaxa dhanka maamulka. Tusaale ahaan hadii aan ciyaartoy soo ahaa ee ka dhex baxay muddo kaddib mar qura xil isuma soo taagi karo, waxaana loo baahan yahay in marka hore uu qofku xeydaabka uu horay uga baxay kusoo laabto isagoo kasoo galaya dhanka macalinimada, garsoor, ama ugu yaraan la shaqeeyo nidaamka jira IWM, taas macnehedu waxaa uu yahay in qofka isusoo sharaxaya uu noqdaa mid xiligaas shaqada ku dhex jira laakin 20 sano ka hor ayaan soo cayaaray, waan ka baxay hadaan soo laabanayaa isla markiina maamul ayaan horay ka galayaa dastuurka Olombikada aduunka meel ay kaga taalo ma jirto.
Halkee laga soo xigtay qofka maamulaha isboorti noqonaya wa in uu horay usoo cayaaray?
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaan ka maqleynay saxaafada qeybeheeda kala duwan dad teleefishinada ka hadlaya oo ku doodaya anagaa soo cayaari jirnay 20 sano ka hor marka waa in aan isboortiga dalka hogaamino.
Qaar ka mida dadkaas oo aanan hada magacyadooda soo qaadaneyn waxaay ay ku andocoonayeen in dadka isboortiga maamula aanay ahayn kuwo horay usoo cayaaray ama isboorti waligood kasoo shaqeeyay, waxaana taasi ay tusaale u tahay in kuwa doodaya anayan laba socon Isborotiga Soomaaliyeed hada iyo mar hore intaba.
Halkan waxaan idinku bareynaa madaxda GOS iyo xiiriirada.
1-    Guddoomiyaha GOS Cabdulalahi Axmed Tarabi, iskaba daa ciyaartoynimo ee hada ma ahayn ee 30 sanadoo ka hor ayay ahayad markii uu darajada ugu sareysa ka gaaray Isboortiga taasoo ah macalin qaran, sababtoo ah macalinimadu waa wax qofka aan ka harayn oo xataa hadii uu dhinto la oran doono Alle ha u naxariistee macalin Hebel, laakin darajada guddoomiyenimada ee uu hada hayo way dhamaaneysaa mar hadii uu xilka ka dago. Tarabi in ka badan sadex meelood laba meel cimirigiisa ayuu kusoo qaatay Isboortiga, wuxuuna ka mid ahaa dadkii 90-meeyadii halganka dheer u galay dib usoo nooleynta Isboortiga dalka.
Tarabi waxaa la xusuustaa in dhowr jeer la xabadeeyay isagoo xili habeen ah kasoo socda stadium Banaadir unasoo talaabaya dhanka koofureed ee magaalad Muqdisho oo xiligaa kala xirneyd, uuna ka mid ahaa ragii u halgamay in Cayaarihii rajo soo clinta lagu bur buriyo qadkii cagaarnaa ee Muqdisho.
2-    Duran Axmed Faarax  Hada waa xoghayaha guud ee GOS, wuxuu yaraantiisii soo ahaa ciyaartoy kubada koleyga inkastoo isagoo wali juinior ah ay dowladii dhacday Soomaaliya. Kaddib inkastoo uu dalka kasoo baxay hadana wali wuu kusii dhex jiray Isboortiga wuxuuna ka mid ahaa rag hanta  kusoo bixiyay dib usoo nooleynta Isboortiga Soomaaliya. Wuxuu heystaa shahaadada ugu sareysa ee maamulka Isboortiga ee uu bixiyo gudiga Olombikada aduunka wuxuna soo bartay sports science. Waa nin aad u fir fircoon kuna xeel dheer dhismaha xiriirka caalmiga ah, aqoontiisana hada Isboortiga Soomaaliyeed ayaa u baahan oo looga faa’iideeyaa.
3-    Cali Siciid Guuleed Rooble, hada waa guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta sanadku markuu ahaa 1971-kii ayuu cayaaryahan heerka 2-aad ah noqday sanadkii 1973-kiina wuxuu u saftay naadigii minishiibiyo heerka 1-aad ,kaddib wuxuu usoo cayaaray kooxo kala duwanoo ay ka mid ahayeen badda iyo Somalitax. Xiligii dowladu dhacday kaddib wuxuu ka mid ahaa ragii usoo dhabar adeygay dib usoo nooleynta Isboortiga dalka oo Isbartiibooyinka geedaha ka jray una horseeday cayaaraha Soomaaliya in ay mar kale soo noolaadaan. Cali siciid darajada guddoomiyenimada ee hada uu hayo ka hor wuxuu soo noqday macalin qaran oo ah tan ugu sareysa ee darajo Isboorti laga gaaro lana ogyahay in xitaa guddoomiyenimada ay ka qiime badan tahay maadama ay tahay darajo aan dhmaan, guddiga fulinta GOS wuxu kasoo galay dhanka kubada cagta oo ah xirfada uu muddo dhee kusoo shaqeynayay.
4-    Cumar Cabdul qaadir Baarajab, Waa magac ilmaha yar yari xitaa ay garanayaan oo marka kubada koley laga hadlayo ay waalidiintu caruurta uga sheekeeyaan baarajab iyo waxa uu ahaa. Xubinimadiisa gudiga fuilinta ka sokow darajada ugu sareysa ayuu isna soo gaaray oo ah maclin qaran barigii dowladii hore. Wixii ka dambeyayna wuxuu ka mid ahaa raga tabarucaada ku bixin jiray horumarinta Isboortiga gaar ahaana kubada koleyga oo ah meesha uu kusoo barbaaray kanasoo galay guddiga fulinta.
5-     Abuukar Islow Xasan, waa magic isna an cusbeyn oo lagu xusuusto kooxdii madbacada, wsuxuuna aha acayaaryahan lagu xisabtamijiray, kaddib wuxuu soo noqday macalin weyn oo lagu xusuustoi dib usoo noioleynta isboortiga markii dowladu dhacday kaddib, waxana uu sidoo kale gaaray darajada ugu sareysa oo ah macalin qaran Kubada cagta, waana halka uu kasoo galay gudiga fulinta ee GOS .
6-    Xaaji maxamed Axmed Colow, Nin weyn iga dheh, waa garsoorihii soomaaliyeed ee ugu horeeyay taariikhda inta la ogyahay ee noqda caalami dhanka kubada koleyga, sanadkii 1973-kii. Kasii hor 1956-kii wuxuu qaaday gool dhalinta cayaarihii degmooyinka gobalka Banaadir ilaa iyo xiligaana maalin qura kama dhex bixin Isboortiga. Wuxuu ka mid ahaa cayaartoiydii lagu furay garoonka Stadium Banadir.
7-    Prof Maxamed Cali maxamed  Sida ka muuqata magiciisa waa aqoon yahay, wuxuuna ahaa ninkii labaad ee Soomaaliyeed ee soo barta ciliga Physical education oo uu kasoo baxay jaamacad ku tala Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga sanadkii 1958-kii waxaana muddo bilo ah ka horeeyay oo keliya Alle ha u naxariistee Prof maxamuud Xasan Nuur, Prof Maxamed cali wuxuu meel sare ka gaaray darajada isboortiga aduunka oo uu noqday xubin guddiga fulinta cayaaraha fudud ee adduunka, iyo sidoo kale la taliyaha xaga sharciyada ee xiriirka cayaaraha fudud ee adduunka, waa nin aqoon badan u leh isboortiga wuxuuna hada kasoo galay guddiga fulinta dhanka cayaaraha fudud oo uu ilka heer caalami ka gaaray.
8-    Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) waa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon wuxuu sanadki 1983-kii soo galay garsoorka kubada gacanta uu oo ilaa iyo heer caalami ka gaaray, kaddib markii dowladu dhacday kama harin ee uxuu kasii mid ahaa ragii usoo dhabar adeygay dib usoo nooleynta isboortiga walina wuu ku jiraa waana nin madaale isboorti ah guddiga fulintana wuxuu kasoo galay kubada gacanta oo ah xirfadiisa. Wuxuu heystaa shahaado sare oo xaga maamulka Isboortiga ah oo uu bixiyay guddoomiyhihii hore ee Olombikada aduunka Juan Antonio sanadkii 2000.
9-    Khadiijo Aadan Daahir, waa gabar fariidad ah laguna tilmaamo in ay raga qaarkiiba ka fir fircoon tahay, kuma cusba magac ahaan isboortiga, waxaana sanadkii 1979-kii ay ka mid ahayd garsooreyaashii ugu cad cadaa cayaarihii All Arab games ee Muqdisho lagu qabtay waxaana ay garsoor ka ahayd qeybta cayaaraha fudud oo xiligaana abaal marin lagu siiyay. Markii dowladu bur burtay kaddib meel iskama fariisan ee waxaa ay ka mid ahayd dadkii wax badan usoo jeeday dhibatadana kasoo maray dib usoo nooleynta isboortiga dalka, hadana gudiga fulinta waxay kasoo gashay cayaaraha fudud oo ah meesha ay kusoo qaadatay waqtigeeda inta badan walina dhex taagan tahay.
10- Ibraahim XuseenCali Roombe, waa oday ma daale ah sanadkii 1980-kii ayuu xubin ka noqday guddiga fulinta ee xiriirka kubada koleyga Soomaaliyeed, dhanka maamulkana wuxuu guddoomiye kasoo noqday degmooyin badan oo ku yaala gobalada dalka, siuda Shibis, oo Banaadir ah iyo Baardhere oo Gedo oh iyo kuwo kale, xaga maamulka Isboortiga waxaa uu heystaa shahaado sare oo uu bixiyay gudiga olombiukada aduunka wuxuuna guddiga fulinta kasoo galay dhanka kubada koleyga oo ah meesha uu waqti badan kusoo qaatay.
11- Ibraahim Shaamosw, waa nin ganacsade ah muddo dheerna isaga iyo qoyskiisuba ka mid ahaayeen maal geliyayeyaasha ugu waaweyn ee isboortiga dalka lagasoo bilaabo 60-meyadii waxaana lagu xuustaa shirkadii Shamow Blast, kaddib dhicitaankii dowladii hore wuxuu ugu horeyay ganacsatada maal-gelinta ku sameysay Isboortiga waxaana dastuurka guddiga Olombikada aduunku uuu qabaa in cidii hanti iyo xoogba gelisa isboortiga ay xaq u leedahay maamulka sare in ay ka mid noqoto, qofkii cadeymo dheeraada u baahana wuxu geli karaa website-ka guddiga olombikada aduunka qeybta Olympic charter.
12- Cabdi Casiis Goodax Barre, waa journalist caan ah ka hor guddiga olombikada-na wuxuu xubin ka ahaa ururka saxafiyinta Isboortiga aduunka oo uu xirfadiisa ku gaaray, sidoo kale wuxuu ka mid yahay dhalinyaro hanti ku bixiyayu dib usoo nooleynta  kubada koleyga Soomaaliyeed, oo uu sidoo kalana ka yahay macalin kubada koleyga, wuxuu isna heystaa shahaado maamulka isboortiga ah oo ay bixisay IOC iyo shahado macalinimo sare ah oo uu bixiyay xiriirka kubada koleyga aduunka, waana halkaas meesha uu kasoo galay guudiga fiulinta.
13- Xasan Axmed Barre, waa nin dhalinyaro ah oo fir fircoon,xiligii dowladii hore wuu yaraa balse dhamaadkii 1989-kii ayuu bilaabay barashada kubada koleyga, kaddibna wuxuu ka mid noqday dhalinyaradii dib loogusoo nooleeyay xiriirka kubada koleyga, wuxuu ka mid noqday qaranka kaddib wuxuu usoo wareegay dhanka maamulka wuxuuna heystaa shahaado sare oo maamulka Isboortiga ah oo uu bixiyay gudidga Olombikad aduunka, waana halkaas meesha uu kasoo galay gydiga fulinta.
Intaas waxaan kaga talaabeynaa qeybtii aan dadk Soomaaliyeed intooda aan aqoon ku bareynay dadka maamulka Isboortiga Soomaaliya hogaanka u haya iyo mudada fog oo ay kusoo dhex jireen walinaay dhex taagan yihin oo meelna aaanay kaga bixin kuwaas ayaana dhab ahaan lagu tilmaami karaa ehel Isboort,oo aan ku iman qabiil iyo wax-yaabaha hada la doonayo in bulshada lagu kiciyo oo beenta loogu sheego  laakin qof mar soo cayaaray hadana ka fariistay ee aan dib dambe see la yahay usoo oran oo danihiisa kale ka raacday ehel  laguma tilmaami karo, ehelnimadu ka sokow mida dhalashada ah waa in qofku uusan meelna uga dhex bixin waxa uu sheeganayo in uu ehel u yahay.
Ugu dambeyntii xoghayaha guud ee GOS Duran Ahmed Faarax oo isagoo safar shaqo kasoo laabtay kuna sugan garoonka diyaaradaha Dubai oo kusii jeeda Mudqisho aan maanta qadka telefonka kula xariiray waxna ka weydiiya waxa uu kaga jawaabayo warar been abuur ah oo maalmahan saxaafada aan wadaniyiinta ahayni ay ka faafiyeen olombikada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku jasaabay.
(Waan hayaameynaa,Horaybaan u soconaa,Hakan meynoo, Hamigeenu Horumar weeyee, Hadal yar iyo Howl badan, Hal ku dhigeenu ha inoo Ahaado) Taasi waxaa ay muujineysaa in qofka marka uu shaqo qaran oo culus hayo uusan dooneyn hadal badan iyo fadhi ku dirir taa badalkeedana uu ka jecelyahay Howl qabad badan.
By Shaafici Muxuyadiin Islow
Email:shaficiislow@yahoo.com