1 min read

Wasiirka Shidaalka oo wax laga weydiinayo heshiis uu la galay shirkad shisheeye.

Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka ayaa soo saaray warqad uu ugu yeerayo wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo kol hore heshiis Shidaal a galay shirkada Coastline Exploration Limited oo laga leeyahay wadanka Maraykanka.

Maalinta isniinta ah oo ay bisha April ku beegan tahay 25 ayaa lagu qoray warqada in uu xafiiska xeer ilaalinta yimaado wasiirku.

Dabayaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxa uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in wasaaradiisu ay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ah la gashay shirkadda Costline Exploration ltd. Waxaa heshiaaskaas si kulul uga horyimid xafiiska madaxweynaha iyo Ra’iisalw asaaraha, taasoo oo markii dambe dhalisay jahwareer.