1 min read

Ilhan Cumar oo la kulantay Imran Khan

Ilhan Omar ayaa hoygiisa ku booqatay Raysal-wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan xilli ay Haweenaydan Soomaalida ee ku jirta Congress-ka Maraykanka booqasho 4 maalin ah ku joogto Pakistan.

Ilhan oo la filayo in ay booqato gobolka Kashmiir qaybtiisa Xorta ah ee gacanta Pakistan ku jirta ayaa Imran Khan ku ammaantay dadaalkiisii lixaadka lahaa ee uu kula dagaallamayay Islaam nacaybka inta uu xilka hayay.

Khan oo qaab lagu tilmaamay inqilaab siyaasadeed xilkiisa ku waayay ayaa isku dayaya waayadan sidii xilkiisii kusoo ceshan lahaa isaga oo dalbaday doorashooyin hordhac ah.