1 min read

Muslimiinta ku nool Adis Ababa oo dowladda Itoobiya ka helay war ay ku farxeen.

Golaha sare ee Muslimiinta ee magaalada Adis Ababa ayaa ku dhawaaqay in ardayda wax ka barata caasimadda Itoobiya loo oggalaaday in salaadda duhur ay ku tukadaan bannaanka iskuullada ay dhigtaan.

Sheekh Cali Maxamed Shifa oo ah madaxweyne ku xigeenka Golaha Muslimiinta ee dalka Itoobiya,ayaa sheegay in xafiiska waxbarashada magaalada uu u oggaaladay aradyda Muslimiinta ah in Salaadaha ay ku tukan karaan bannaanka iskuullada taas oo aan markii hore jirin baahi weynna ay u qabeen Muslimiinta magaalada ku nool.

Arrintaan ah in ardaydu Salaadda duhur ku tukadaan iskuulka ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhaxeyay Muslimiinta iyo qa7ar ka mid ah Iskuullada ku yaalla magaalada Adis Ababa.