1 min read

C/Qaadir Cosoble oo mar kale ka mid noqonaya Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa caawa magaalada Jowhar ka qabsoontay Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-140 oo deegaan Doorashadiisu tahay maamulka Hirshabeelle.

J

Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa ku guuleystay kursiga HOP#140 isaga oo helay 76, halka musharixii la tarmay ee Cabdikariin Cilmi Tifow uu helay 22 codadka Ergada.

Waa markii saddexaad oo Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble uu ku guulleysto kursiga, isaga oo ku fadhiyay 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Magaalada Jowhar ayaa filayaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Doorashada kuraas kale oo kamid ah Golaha Shacabka.