1 min read

Fahad Yaasiin oo dacwad ka gudbiyay guddiga FEIT.

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliya, haddana ah la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya.

Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeyay in ay si aan sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa dhawaan hakiyay 4 kursi kuwaas oo uu sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray. Waxaana xubnahaasi ka mid ahaa Fahad Yaasiin.