3 mins read

Arrinta Amb.Madeira,yaa isku heysto?.

Waxaa isku heeysto.
1.Waxa is heysto Madaxweynihii Mudda xileedkiisu dhamaaday Farmajo iyo Ra’isul wasaaraha Xilgaarsiinta Roble.

  1. Waxaa is heeysto Uganda iyo Ethiopia, Hore Madeira waxa uu u eryay Saraakiil Uganda ah. waxa uuna xalaaleeyay Dambi kasta oo ey galaan Ciidamada Ethiopia ee AMISOM. waxa ey ku eedeynee Uganda in uuna u wada sineeyn Ciidamada Uganda iyo Kuwa Ethiopia ee ka wada tirsan AMISOM, iyo in uu hor istaagay Howlglo ey fulinayeen AMISOM.
  2. Codka laga duubay Amb.Madeira, AU waxa ey ku eedeeyeen Sarkaal Somalia oo hore Daacad ugu ahaa Madeira iyo AU, kana tirsan shaqaalaha AU, Ninkaas oo aad uga soo Horjeeday Madxda Mucaaradka. Laakin hadda waxaa la leeyahy Saraakiil Uganda ah ayaa soo duubay Codka sirta ah ee Amb. Madeira.
  3. Uganda aad ayeey u diidan yihiin Amb. Madeira, laakin Abi Ahmed ayaa rabo in uu joogo una Fuliyo Danaha Ethiopia iyo tan AU ee xaruntoodu tahay Adis.
  4. Ciidamada iyo Saraakiisha Somlida ayaa ku eedeeyo Amb. Madeira in uunu ula dhaqmin sida Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliyeed, Howlgaladoodana si ula kac ah uu u curyaamiyo.
  5. Maamul Gobaleedyada qaar ayuuna tagi karin, Maxadxa Mucaaradka ayaan qaableeyn, Heyadaha Fulinta Somalida ayaan la shaqeeyneey.
  6. Safaaradaha Nairobi ee Reer Galbeedka qaarkood oo uu Amb. Madiera la xiriiray Shalay ayaa diiday in ey u qaalinaan sidii isaga oo ah wakiilka AU ee Somalia.
  7. Beela Somaliyeed iyo Maamul Gobaleedyada qaar ayaa diiday in ey wax wada shaqeeyn ah la yeeshaan.
  8. Shacabka Somlida oo u arko AMISOM in ey tahay Isticmaar Cusub oo Dalka soo galay, kuna xad gudbayo Madaxbanaanida Dadka iyo Dowladda Somalida.
    Go’aanka
    Go’aanka AU, waa Ceeb astur loo sameeynayo Amb. Madeira, Si uuna u xumaan CV- giisu, wadamada bixiyo Miisaniyadda iyo Mushaarka Ciidamada AMISOM ma ogolaanayaan Nin Dowladii Somalidu ey diidan tahay in ey kharaj ku bixiyaan. AU Laftoodu waa ogyihiin in Madeira uuna ku noqoneeyn Somalia, waxa ey rabaan oo kaliya in CV-giisa la qurxiyo oo kaliya oo intii la dhihi lahaa waa la eryay uu Istiqaalo keeno Maalmaha soo socdo, isaga oo leh Shaqada iskey ayaan uga tagay, si uu uga sii mid noqdo shaqaalaha AU ee Xarunta Adis Ababa, inkasta oo warqada RW. Rooble ey mar kasta ku noqoneeyso Bar Madoow oo ku dhax jirto feeylkiisa Shaqo, waxa kale oo Arrintani ey Ceeb ku noqon Doontaa Mustaqbalka AU iyo Mr. Moussa Faki oo ah Gudoomiyaha Guddiga AU oo faragalintiisu ka soo horjeedu Sharciga dhaxdhaxaad nimcada ee lagu dhisay AU.
    Gunaanad
    Waa ogyahay Amb. Madeira in uuna Somalia ka sheeyneeyn waxaan sugeeynaaba waa, Warqadda Istiqaalada Ceeb asturka ah ee Amb. Madeira uu soo qori Doono Maalmaha soo socdo, ama Cadeeyn in Somaliya eyna aheeyn wadan Madaxbanaan lana rabo in la baa’biyo jiritaan Dal la yiraa Somaliya, iyada oo loo adeegsanayo isla Somalida qaar, sida horeba Madax badan oo Caalamka ah ey u soo jeediyeen.
    FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay.wixii la dhiman ku dar.
    Qore: Yahya Amir