1 min read

Ciidamada Galmudug oo howlgal ku burburiyay Gaari siday Qarax.

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedkq Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Godyaanyo ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu burburiyay Gaari walxaha Qarxa kasoo buuxsheen Al-Shabaab sidoo kalena ay dileen Xubno dhowr ah oo katirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka Qararow ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay inay Howlgalkan uu daba socday xogo ay heleen, isla markaana ay sii wadi doonaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa degaano katirsan Gobolka Mudug waxaa siweyn looga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay wadeen Xubno katirsan Al-Shabaab, hayeeshee Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay sheegeen inay ka hor tagayaan.