1 min read

Safiirka cusub ee Midowga Yurub oo dalka Holland lagu soo dhaweeyey

Waxaa dalka Holland ee magalada Danhaag lugu qabtay munasabad soo dhaweyn ah oo loo sameyay safiirka cusub ee loo soo magacaabay Safaarada Soomaaliya ay ku ledahay dalka Biljimka iyo Midowga Yurub.

Safiirka hada la soo magacaabay ayaa waxaa uu yahay kii tobanaad ee loo soo magacaabo,
munaasabada soo dhaweynta safiirka ayaa waxaa iska kaashaday dalada midowga jaaliyadda Soomaaliyeed ee IFSAN ee uu fadhigeyda yahay dalka Holland magalada Amesterdam.

Waxaa kaloo munaasabadasi soo dhaweynata ah ka soo qeyb galay gudoomiyaha Jaaliyadda soomaliyeed ee Netherland Abdikadir Ali waxaa kulankasi kasoo qeybgalay qeybaha bulshada ee Jaaliyadda soomaliyeed sidoo kale waxaa lugu casuumay xaflada soo dhaweyna safaiirka, gudoomiyaha haweynka ee dalka biljimka Marwo Canab Xusseen Ibraahin oo ayadana qudbad aad u qiima badan ka soo jeedisay, dhamaan qeybaha kale oo ka soo qeybgalyasha ayaa kasoo jediyay qudbado qiira xambarsan.

Safiirka ayaa qaatay khudbadii gabagabada aheyd Yonis Yaasiin Xaashi oo ah safiirka ufadhiya soomaliya midowga yurub ayaa ku dheraday khudbad qiima badan oo meela badan taabaneyso waxaa uu sheegay Ummaddii loo soo magacay xilkan, safiirnimo in uu wax badan uu lakulmay sida dagalada kasocda dalka yukreen somalida ku xayirmatay iyo soomali badan ka soo barakaceeyn colaada Ruushka kula jira Yukreen sharciyadooda iyo ka socodka xaladahooda.

Bashiir Jiidaal Baroow

soomaliweyn Holland Danhaag