3 mins read

Ma jecli in aan u jawaabo.

Ma jecli in aan u jawaabo Walaalkeey, Bacdamaa ey weli noolyihiin Dadkii Xog ogaalka u ahaa wixii dhacay kuwaa oo xaqiiqda ka hadli karo.Dagaalku iskama bilaaban ee Xasuuso, Dhacdooyinkii ka horeeyay Dagaalka.1. Dilkii Col. Calasoow Dheere iyo Saraakiishii kale.

2. Wafdigii Talyaaniga ee Dowladdii Cali Mahdi Aqoonsan lahaa ee Garoonka laga xirtay.

3.Maamulkii Dekadda oo la xanibay.

4. Golaha dhexe ee USCdii Hotel Gurguurte oo loo diiday, Ragii Ciidamada u badnaa ee Ethiopia ka soo bilaababay halganka, kuwaa oo hore Ethiopia uga soo cararay Caydiid Dartii oo iyaga oo is dhiidan xamar soo galay, Ceydiidna uu ka dabayimid iyaga oo Xureeyay Magaalada inteeda badan.

5.Xarigii iyo Qafaalashadii Cumar carte iyo odayaal kale ee Somaliyeed iyada oo weli Maxamed Siyaad Magaalada joogo.

6. In la gubay keeydkii Rasaasta ee USC ku leheyd Xamar iyada oo weli ey socdaan Dagaaladii lagula jiray Kacaankii.

7. Ciidamadii Ashaamud ee ka koobnaa Asaasayaashii USC Garabka Ciidan oo lagu weeraray xaruuntoodii iyaga oo dhaxdhaxaad ka ahaa Dagaalada.

8. Diidmadii Xaraunta Radio Mogadishu in lagu wareejiyo wasaaradda war faafinta.

9. Weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday Gurigii uu degenaa Cali Mahdi ee u dhawaa Villa somaliya.

10. Labada dhinacba waa joogeen Ururadii kale ee Somalida ee wax ka riday kacaankii, laakin kuwa joogay dhinaca Cali Mahdi Dagaalkii tooska ahaa kama qeyb qaadan sida kuwa kale, ileeyn iyagu maba hubeeysneyn.

11. Cali iyo Ceydiid Toos uma dagaashaneeyn ee 6dii Nin ee Dagaalka masuulka ka ahaa ee Aad Adigu ka midka aheyd, maad doorkoodii ka hadashid.Dhacdooyinkaa iyo kuwa kale oo badan ayaa Dagaalka ka horeeyay.

Dadkii Goob jooga kula ahaa oo Nool, isla iyagii Been ha uga sheegin wixii ey wax ka ogaayeen.Aniga iyo Adiga waxaa isagu keeyna Dambeeysay Magaalada Kharduun ee Dalka Sudan, waadna xasuusataa Falkii aad ku kacday ee Dowladda Sudan ey ka Cudur daaratay markii aad Diiady in Adiga oo gafka lahaa aad ka cudur Daarato. waxaa ayaan daraa in aad tiraa Aniga iyo Tolkey Dagaalka kama qeyb qaadan, ha inkirin Doorkii Walalahaa ey ka qaateen in ey wax ka xureeyaan Buula barde.

Ma rabo in aan kuu jawaabo, haddiise loo baahdo waxaan hayaa Xaqiiqda Dhacdooyinkii oo suggan, Bilaaw ilaa dhamaad. Qoraaladaa oo Nuquladooda waxa aan u dhiibay saaxiibadeey si ey keyd ahaan ugu haayaan, haddii Aniga ey ii suuraabi weeydo.

Ma ogi, haddii Xasuusta walaalkeey ey wax iska bedeleen, iyo haddii si ula kac ah uu ugu tala galay in uu Taariikhda Been ka sheego iyada oo weli ey noolyihiin Goob joogayaashii.

Goob joogayaashii ayaan u dhaafayaa in ey Taariikhda Runta ka sheegaan. iyo Kuwii sababta u ahaa Dagaalka iyo in aan lagu eedeeyn Cali iyo Ceydiid wax ka baxsan doorkii ey ku lahaayeen Dagaalka.

FG: waa iga talo, Taariikhda Runta ha laga sheego, si eyna Dadka Somaliyeed ee Walaalaha ahi eyna isla khaladkii shalay dib ugu noqon.

FG: wixii aan ka khalday, ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir