1 min read

Ciidanka Danab oo soo bandhigay Hub & Rag ay ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada gaarka u tababaran ee Danab ayaa soo bandhigay Hub & 5 Ruux oo ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo 4 kamid ah ay dileen halka qof kale nolosha ku hayaan kaddib Howlgallo ay ka sameeyeen Deegaanka Labakuus ee Gobolka Jubada Hoose.

Taliska Ciidanka Kumaandooska ee gaarka u tababaran DANAB ayaa sheegay in howlgalkaan oo ay heleen xogtiisa oo dhammeystiran in ay ka fuliyeen deegaankaan, iska hor imaad muddo kooban socday lagu dilay 4 kamid ah ragga hubeysan.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka howlgalka fuliyay oo ah Ururka 5aad Guutada 16aad Danab ayaa sheegay in xogo sirdoon oo ay heleen ay ku ogaadeen dhaqdhaqaaqa Hubka ay soo bandhigeen iyo dagaalamayaasha heystay.

Qoryaha ciidanka Danab kusoo qabteen howlgalka waxa ay kala yihiin 4 qori oo ah nooca loo yaqaan AK47 & Hal qori oo ah kuwa siliska leh ee BKM oo ay Soomaalidu taqaan (Tabajeex) sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad ee Danab.

Gobolka Jubada Hoose oo ay si wadajir ah ugu howlgalaan Ciidanka gaarka u tababaran ee loo yaqaan Danab, Daraawiishta DG Jubbaland & askarta Midowga Afrika ee ATMIS waxaa ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo, halka uu barbar socdo howlgal ay sameysanayaan Ciidankaas