1 min read

Soomaali horey uga tirsanaa Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daayay.

Askari hore oo katirsanaa Booliska Minneapolis oo toogtay haweenay aan hubaysnayn sanadkii 2017 ayaa laga sii daayay xabsigaka dib markii uu ku jiray xabsi muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay diiwaannada Waaxda Asluubta ee Minnesota.

Mohamed Noor, oo 36 jir ah, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa bishii April 2019 lagu helay dambi dil toogasho ah oo lagu dilay Justine Ruszczyk, taas oo dilkeedu uu dhacay markii ay xiriir la sameysay booliiska habeenimadii July 15, 2017, si ay uga warbixiso weerar ka dhacay meel u dhow gurigeeda.

Kiisku waxa uu caro ka dhaliyay Maraykanka iyo Ruszczyk oo ay asal ahaan ka soo jeedo Australia waxana uu sababay in taliyihii booliiska magaalada uu iscasilo.

Xeerbeegtida Marayanka ayaa markii hore askarigaan ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah. Balse markii dambe ayay maxkamaddu sheegtay in aanay jirin caddayn ku filan dambiga askarigan oo lagu sii wadi karo. waxaana lagu xukumay afar sano iyo sagaal bilood oo xadhig ah oo lagu soo oogay eedaymo dil ah.