1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga helay xanuunka COVID-19.

MUQDISHO — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laga helay xanuunka COVID-19 qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxana uu ku sheegay inuusan dareemeyn calaamado kale oo caafimaad darro ah, isla markaana uu sii wadi doono shaqada uu u hayo qaranka iyo shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu is-karantiilay, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska ilaaliyaan xanuunkaa, isla markaana raacaaan tilmaamaha caafimaadka dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa maanta kusoo laabtay dalka, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Imaaraadka Carabta, wuxuuna xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.