2 mins read

Horta, Shacabku ma waxay Aamineen in shaqada Police-ku ey noqotay Fadhi ku dirir kaliya ?=Nasashada Jimcaha. Q- 310

1. Mashiinka Lacagta lagala Baxo ATM ayaa Galkacyo la geeyay, Nin macaamil ahaa oo Lacag kala bixi jiray, ayaa la arkay isaga oo Garuun ku garaacayo Mashiinkii ATM-ka. waxaa lagu yiri: War maxaad u garaacee?. waxa uu yiri: Markii hore Lacagteeyda si Fufud ayuu ii siin jiray. Sideey isku dagaaleen Ninka iska leh Tolkiis iyo Tokkeey Lacagteeydii ayaan kala bixi waayay.

waxaa lagu yiri: war maalmahaan Xaafadaa Korontadu ka maqneyd, waxaana warshada Dabka Magaalada iska leh Mid aad isku Reer Tihiin. ( F.S: 1aad)

( ATM haduu Somaliya yaal, waxa uu noqdaa Reer Hebel)

2. Cabdi Bakhiil ayaa yiri: Haddii aad rabtid in aadan EVC Lacag ugu dirin Gabar, waxaad ku tiraa, Maanta oo dhan ayaan Telefonkaaga wacayay, wuuna densanaa. waan kuu soo diri lahaa ee waxaan is iri Numberka miyeey bedelatay. ( F.S: 2aad)

( Cabdi Bakhiil ayaa si hoose u yiri: Haddan u diri lahaa, soow Daanyeerkii beryahaan la sheg sheegayay ayaad tahay la ima dheheen).

3. Tababare, Hore ayaa yiri: Somaliya Ciyaaraha Dibadda sabata looga badiyo waa, Mid Ciyaartooy ah ayaa yiri: Kaa oo Reer Hebel ah u baasi mayo kubbadda ,si aan loo dhihin Hebel oo Reer hebel ah ayaa Gool dhaliyay.( F.S: 3aad)

( Si loo xaliyo Arrintaa, waa in marba hal Beel loo diro Ciyaaraha Dibadda, 4.5 , Ar Somali iyo Qabiilaa )

4. Gabar ayaa la weeydiiyay inta aad Akhriso maxaad ugu jeceshahay, waxa ey tiri: wax aan akhriyo waxaan ugu jecelahay Cheque-ga Bangi oo Saaxiibkeey ii qoray.

( Dumarka kaliya miyaa!.Wasiirkuba waa jecel yahay, Cheque Bank oo uu u qoray, Ganacsade Cashuur dhaaf loo sameeyay)

5. Cali Cinaad ayaa Nin Police ahi Albaabka u soo garaacy. Cali Cinaad ayaa yiri: yaa waaye Cidda Albaabka ii soo garaacee?. Ninkii Police-ka ahaa ayaa ku yiri: waa Aniga waxaan ahay Police. Cali ayaa ku yiri: Maxaad iga rabtaa? Ninkii police- ka ahaa ayaa ku yiri: waxaan rabaa in aan kula hadlo oo kaliya. Cali ayaa ku yiri: Kaligaa miyaad tahay? Ninkii Police-ka ahaa ayaa ku yiri: kaligeey ma ihi waxaan nahay Labo.

Cali ayaa yiri: Hadiiba aad i tiri: waxaan rabaa wada hadal kaliya, Adinkuna aad Laba tihiin isla hadla.

(Horta, Shacabku ma waxay Aamineen in shaqada Police-ku ey noqotay Fadhi ku dirir kaliya ?)

6. Nin Xusayay Ayeeydii ayaa Culumo u yeeray, markii ey Qur’aan akhriskii dhameeyeen, ayeey Culumaddii ku duceeyeen. Ayeeydaa iyo Sh. Cabdulqaadir Alla ha gaarsiiyo. Ninkii ayaa yiri : walee, Culumooy ma taqaaniin Ayeeydeey Dabeecadeeda, weligeeba lama arag Qof wax loogu daray oo aan ka dacwoon. ( F.S: 4aad)

( Hala yaabin Ayeeydaa, waxa ey ka dhalatay Somali oo haddii iyaga wax la isagu daro, iyaguba aan ku heshiin)

Qore: Yahya Amir