3 mins read

Xanta suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda (Antony miyuu rabaa Man United?).

Weeraryahanka Ajax iyo xulka Brazil Antony, oo 22 jir ah, waxaa ‘ka go’an’ inuu ku biiro Manchester United xagaagan. (waxaa qoray wargayska Goal)

Paris St-Germain ayaa dooneysa inay iska iibiso Neymar haddii ay hesho dalab la aqbali karo oo ku aaddan weeraryahanka reer Brazil, inkastoo 30-sano jirkan uusan dooneyn inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska. (waxaa qoray wargayska Goal)

Daafaca dambe ee dhinaca midig ee Manchester United Brandon Williams, oo 21 jir ah, ayaa lagu iibin karaa 10 milyan oo ginni. (waxaa qoray wargayska The Sun)

Ajax ayaa qarka u saaran inay dalab kale ka gudbiso garabka Tottenham Hotspur iyo Netherlands Steven Bergwijn, oo 24 jir ah, laakiin kooxda Premier League ka tirsan ayaan aqbali doonin wax ka hooseeya 25 milyan oo ginni (Waxaa qoray Sky Sports).

Southampton ayaa isku dayday inay joojiso xiisaha Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo West Ham ay u qabaan 27 jirka khadka dhexe ee England James Ward-Prowse kaasoo lagu qiimeeyo 75 milyan oo ginni. (Waxaa qoray Give Me Sport)

Madaxa fulinta Bayern Munich, Oliver Kahn, ayaa sheegay in uu filayo in weeraryahanka Poland Robert Lewandowski, oo 33 jir ah, uu sii joogo kooxda heysata horyaalka Jarmalka xagaagan. (Waxaa qoray Sky Sports)

Manchester City ayaa wadahadallo horumar leh ugu jirta si ay u soo afjarto saxiixa daafaca Brighton iyo xulka Spain Marc Cucurella, oo 23 jir ah (Waxaa qoray Insider)

Leeds United ayaa isha ku haysa saxiixa garabka PSV Eindhoven iyo xulka Netherland Cody Gakpo, oo 23 jir ah, xagaagan si ay ugu beddelaan weeraryahanka Brazil Raphinha, oo 25 jir ah, kaasoo diirada u saaran Arsenal. (Waxaa qoray Foot Mercato – oo ku baxa af Faransiis)

Leeds ayaa Raphinha ku qiimeysay 65 milyan oo ginni iyadoo Tottenham, Chelsea iyo Barcelona ay sidoo kale xiiseynayaan. (Waxaa Twitter-ka ku soo qoray Fabrizio Romano)

Nice ayaa bartilmaameedsanaysa inay heshiis amaah ah kula wareegto goolhayaha reer Spain ee Chelsea Kepa Arrizabalaga, oo 27 jir ah. (Waxaa qoray Foot Mercato – oo ku baxa Af Faransiis).

Weeraryahanka Chelsea iyo Albania Armando Broja, oo 20 jir ah, ayaa u furan inuu u dhaqaaqo West Ham iyadoo laga yaabo inay dalab 25 milyan oo ginni ah ku soo bandhigto. (Waxaa qoray Express).

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa ka baryaya garabka France Ousmane Dembele, oo 25 jir ah, inuu u saxiixo qandaraas cusub xilli ay xiiseyneyso Chelsea. (Waxaa qoray Goal)

Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa Dembele. (Waxaa qoray Marca)

Goolhayaha reer Jarmal Loris Karius, oo 29 jir ah, ayaa diyaar u ah tartan cusub isagoo raadinaya koox cusub oo uu ka aado Liverpool. (Waxaa qoray Sky Germany)

Weeraryahanka Real Madrid iyo Spain Marco Asensio, oo 26 jir ah, ayaa aad u xiiseynaya inuu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri lahaa AC Milan. (Waxaa qoray Mail)

Chelsea ayaa sugaysa weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, si uu u dhamaystiro heshiiska amaahda ah ee uu ugu biirayo Inter Milan ka hor inta aysan u dhaqaaqin xiisahooda weeraryahanka Manchester City iyo xulka England Raheem Sterling, oo 27 jir ah. (Waxaa qoray Sky Sports).

Weeraryahanka Brazil Vinicius Jr, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono Real Madrid inkastoo ay xiiseyneyso Paris Saint-Germain. (Waxaa qoray Mail)

Weeraryahanka Nigeria Taiwo Awoniyi ayaa macsalaameeyay asxaabtiisa kooxda Union Berlin, iyadoo 24-sano jirkaan la filayo inuu 17.5 milyan oo ginni ugu dhaqaaqo kooxda ku cusub Premier League ee Nottingham Forest. (Waxaa qoray BZ Berlin, iyada oo loo marayo Mail)

xigasho:BBCSomali