1 min read

Haweenay adeegto ka ahayd hoteel oo ka mid noqotay baarlamaanka Faransiiska.

Rachel Keke ayaa ah haweenaydii ugu horeysay ee ka shaqeysa nadaafadda oo noqota guddoomiye ku xigeenka baarlamnaka dalka Faransiiska iyadoo ka adkaatay wasiir kula tartamaya xilkaan. Rachel Keke ayaa ka guulaysatay wasiirkii hore ee ciyaaraha Roxana Maracignano oo laga soo doorto deegaanka Val-de-Marneee bariga gobalka Paris.

Waxay caan ku ahayd u olala laynta xuquuqda haweenka ka shaqeeya hoteellada dalka Faransiiska,taasoo horseeday inay sare u qaaddo tayyada nolosha haweenka ka shaqeeya hoteellada oo ay mar adeegto ka ahayd.

Qaar ka mid ah taageerayaasheeda ayaa guusheeda ku tilmaamay guul ay gaareen dadka aan codka lahayn.