|

M/Weynaha Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee Serbia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer

Posted by on Jun 20 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]