1 min read

Kuleel xad-dhaaf ah oo ka jira dalka Ciraaq iyo dalal kale oo laga cabsi qabo inuu gaaro.

Dalka Ciraaq ayaa waxaa ka jira kulayl daran iyadoo heer kulku qeybo ka mid ah dalkaasi uu kor u dhaafayo konton digree.

Magaalada Basra ee koofurta dalka ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee dhibaatada ay ka dhacday. Madaxweynaha Ciraaq, Barham Saleh, ayaa u sababeyay sare u kaca heerkulka, abaaraha sii kordhaya iyo isbeddelka cimilada oo uu ugu yeeray “khatar jirta” oo dalku wajahyo.

Dalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya, Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada ayaa ka digtay heerkulka in sidoo kale uu dhaafi karo konton cabbirka heerkulka toddobaadkan.

Illaa hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imaanaya caalamka ayaa isu diyaarinaya inay u safraan magaalada barakeysan ee Maka si ay u soo gutaan waajibaadka xajka bisha soo socota.