|

Kooxo hubaysan oo dil u geystay guddoomiyihii xisbiga UCID ee G/SOOL.

LAASCAANOOD – Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay magaaladaas alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Masuuliyiinta gobolka Sool ayaa xaqiijiyey in marxuumka la dilay xilli uu sii gelayey guriga uu ka deggan yahay magaalada Laascaanood, iyaga oo sheegay inay haatan bilaabeen baadhitaan ku aaddan dilka guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Marxuumka la dilay ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay marar kala duwan ka dhaceen dilal qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad kala duwan.

Posted by on Jun 20 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]