2 mins read

In ka badan 100 qof oo lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.

Addis ABABA— Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa heegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan”.

Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la raro “kahor intaysan dhicin dil wadareed kale.” Waxa uu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee hadda “loo laaynayo sida digaagga” ay deegankan 30 sano kahor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah.

Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyay eedeymaha.

Itoobiya ayaa dhowr gobol waxaa ka jira xurguf baahsan oo qowmiyadeed, taasoo inta badan ay sabab u tahay cabashooyin taariikhi ah iyo xiisado siyaasadeed. Qowmiyadda Axmaarada oo ah qowmiyadda labaad ee ugu tirada badan in ka badan 110 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday degaanno ay ka mid tahay Oromiya.