1 min read

Booliska Soomalilan oo eedeyn culus u jeediyay musharax madaxweyne C/Raxmaan Cirro.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in Guriga uu u guuray Musharrax Madaxweyne Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaa Cirro ee ku yaalla xaafadda Hodan hills ee barriga magaalada Hargeysa lagu uruuriyay dad shicib ah oo hubeysan, kuwaasi oo  habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas sidoo kalana ay joojiyanaan Dadka Shicibka ah, isla markaana mararka qaar Rasaas rida sida ay ku sheegen warsaxafadeed ay soo saareen ciiidanka Somaliland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomalilan ayaa lagu yiri sidaan.

Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka Somaliland iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidamada military-ga.

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah,  Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.