1 min read

Ukraine oo u sii dhawaaneysa inay xubin ka noqoto Midowga Yurub.

Madxweynaha midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa taageertay dalabka Ukraine uga yimid oo ah in la siiyo aqoonsiga musharraxnimada si ay uga mid noqdaan Midowga Yurub – taasoo usoo dhaweyneysa Ukraine inay ku soo biirto Midowga Yurub.

“Ukraine waa in ay sameyso dib u habeyn “muhiim ah” – ku saabsan sharciga, xuquuqda aadanaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa” ayay raacisay.

Ursula von ayaa sidoo kale sheegtay in Ukraine looga baahanyahay in shaqo badan ka qabato in la hubiyo in sharciga caalamiga ah la ixtiraamo.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in “go’aanka taariikhiga ah” uu keeni doono “guusha isku soo dhawaanshaha”.