1 min read

Hay’adda samafalka NRC oo digniin ka soo saartay xaaladda abaarta ee geeska Afrika.

Abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, iyadoo malaayiin qof la sheegay inay wajahayaan cunno yaraan.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in boqollaal kun oo Soomaali ah ay sidoo kale qarka u saaran yihiin dhimasho, iyadoo boqollaal carruur ahna ay haatanba u dhimanayaan macluul.

Hay’adda samafalka ee NRC ayaa warbixin ay soo saartay waxay ka digtay in haddii aan gargara la gaarsiin dadka tabaaleysan ay xaaladdu intan ka sii dari doonto.