1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Reer Baxdo, waxaad saakay cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada…”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud ee u dhaxeeyay Ciidamada Ammaanka Galmudug, dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisadau idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.” ayuu yiri Madaxweyaha Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu  soo gaartay.