1 min read

Muuse Biixi oo arrin mucjiso ah ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday safiirka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa arrin ugub ah ku tilmaamay shirkii uu isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya isla markaana sheegay in aysan aqbaleyn, sida uu baahiyay teleefishinka Somaliland.

“Ninkii safiirka u ahaa Soomaaliya shirkaa wuu ka carooday wuu isaga baxay isaga oo leh aniga iyo Somaliland meel ma wada fariisan karno, waa arrin ugub ah”

“Laakiin waa arrin mucjiso ah oo aysan Somaliland qaadan karin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa imaanaya xilli shaley safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.