1 min read

Masar, Israa’iil iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis dhanka shidaalka ah.

Israa’iil, Midowga Yurub iyo Masar ayaa heshiis ku meel gaar ah ku kala saxiixday magaalada Qaahira kaas oo ku saabsan dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shir ka dhacay tamarta oo ka dhacay dalkaas.

Heshiiska ay ku kala saxeexdeen magaalada Qaahira ayaa noqonayaa tallaabadii ugu dambeysay ee Midowga Yurub uu ku doonayo inuu ku joojiyo ku tiirsanaanta shidaalka Ruushka, iyadoo uu sii socdo dagaalka Ukraine.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku-tiirsanaanta shidaalka Ruushka ku tilmaamay mid u oggolaanaysa Moscow inay sameyso dhaqan ay ugu amar taagleneyso Yurub.Heshiiska ay galeen Israa’iil iyo Masar ayaa si weyn kor ugu qaadi doonaa xaddiga gaaska dabiiciga ah ee Israa’iil ay u dhoofiso Masar, si halkaas loogu sifeeyo kadibna looga sii gudbiyo suuqyada Yurub.

Waxaa lagu qiyaasaa Israa’iil in ay haysato kayd shidaal ah oo gaaraya ugu yaraan hal trillion oo cubic mitir.