2 mins read

Fariin Qiiro xaambaarsan oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud runtii waxaa tahay shaqsi aqoon, qibrad, odaytinimo iyo karti bdn Allah iskugu daray. waxaa tahay Shaqsi isku keeni karo Somalida kala tagtay iskuna heyn karo Somalida qarka u saaran in ay hadda kala tagaan. Waxaa tahay Shaqsi hammigiisu yahay mar uun inuu arko Somalia oo latartanto dalalka horumaray ee asaageeda ah waxaa tahay Shaqsi rabo in uu xaqiijiyo muwaadin kasta ee Somaliyed inuu helo xuquuqda ay helayaan muwaadininta wadamada kale ee addunka.

Balse culeyska jiro ayaa ah in Allah kuu qoray in aad rabto inaad hormariso waddan inta bdn muwaadinintisa ay uga muhiimsantahay wax kasta ehelnimada. Waxaa Allah ku qoray inaad rabto inaad wax u qabato waddan inta bdn shacabkiisu jecelyihin ruux ayaga ku heyb ah inuu hoggaamiyo ayaga oo aanan tix galineynin haddii ruuxaas yahaya midkii ugu habbonaa, majoogtid waqtigii dadka aadka u wada wanaagsanaayeen oo ay tilmaamayeen qofka ugu habboon ayaga oo dhahayo hebal ayaa ugu habboon howshaan.

Maxaa kula gudboon marka? waxaa kula gudboon inaad aad u badiso sabarka iyo dulqaadka xasuusatana in Nabi Mohammed NN korkiisa ha ahaatee dad uu weydiistay garab istaag ey caruur iyo wax magarato kale ka adeejiyeen kadibna dhagaxeeyen suubanaha NN korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu nabiga waxa uu bilaabay in dhiigii ka baxaayay dhulka ka ilaaliyo si aanan dadkaas cadaabta Allah ugu dhicin waxa uuna ugu duceynayay in Allah uu so hanuunsho maadaama aysan waxba kala ogeyn.

Marka mudane madaxweyne waxan ku xasuusinayaan kaliya inaad sabarka, dulqaadka, odaytinimada, iyo isku wadida Somalida ee aan kugu tuhmayo in Allah ku siiyay aad kaashato oo aadna aad iyo aad u badiso, inshallah Hammigaadana Allah wuu ku rumeyn doonaa.

Aniga runtii haba yaraatee wax aan kaa rabo majirto lkn kaliya waxaa iila muuqataa qofka ugu habboon ee maanta Somalia hoggaamin karo. Taageeradaadana adiga kuguma daneynayee Shacabka Somaliyed oo aan anigu kamid ahay ayaan ugu daneynayaa sababto ah maanta marka reality-ga laga hadlo Somalia ayada ayaa kuu baahan.

Maanta intaan cod leeyahay kuuma codeyn karo lkn waxaa kaliya ee aan kuu awoodo ayaa ah in aan duco kula garab istaago, aniga oo aan kaliya kugu duceyneenin in aad uun Madaxweyne naqato balse kugu duceynaya in Allah gacmahaada, carabkaada maskaxdaada iyo dhamman xubnahaada ka yeelo kuwii Somalia ka qaadi lahaa halka ay maanta joogto geyna lahaa halka waddamada aadka u hormaray ay joogaan

Allah quluubta xildhibaanada manta codka shacabka haaya hakuu jilciyo.

Somalia xasilan, nabad ah aadna u hormarsan Allah natuso.

Somalia heshiis ah dunidana heshiis la ah.

WQ: Bile Yuusuf Abuukar