1 min read

Ergeyga u qaabilsan abaaraha Soomaaliya oo gaaray Buulaburde.

Wafdi ka socda hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo Ergyga gaarka ah ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka u qaabilsan arimaha gurmadka abaaraha ayaa saaka tagay maagalada Buulaburde ee gobbolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay u kuur galayaan xaaladda dadka ay saameysay abaarta ku dhufatay gobolka.


Boqollaal qoys oo ka soo hayaamay deegaannada miyiga iyo tuulooyinka ku xeeran Buulaburde ayaa hadda ku sugan halkaasi, waxana la soo weriyay duruufo nololeed oo aad u adag inay haysato qoysaskaasi.

Hirshabeelle oo kaliya dadka ay abaartu saameysay waxa lagu qiyaasayaa ku dhawaad hal milyan oo qof, waxayna barakicisay dad ka badan sideetan kun oo qof.