1 min read

Dowladda Kenya oo si buuxda uga cudur-daaratay Shirkii uu qeybta ka ahaa Wakiilka Somaliland.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa waxay si buuxda uga cudur-daaratay Shirkii maanta uu ka baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, kaddib markii Wakiil ka socday Somaliland uu qeyb ka noqday Shirka.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qadarin u hayso madax bannaanida Soomaaliya, waxayn ka cudur-daaratay joogitaanka Wakiilka Somaliland, iyadoo sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Jawaabta Kenya ayaa imaaneysa, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Kenya in ay caddeyso sababta keentay in maanta ay ku qaabisho shirka Safiirada shaqsi ka socda Somaliland isaga oo aan soo marin iyada.