|

Deg Deg : Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacabay Xamse Cabdi Barre Ra’isul Wasaare.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamse ayaa hore u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sanadkii 2019.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku xigeen.

Xamse ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.

Posted by on Jun 15 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]