1 min read

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Guddi ka socday ehelka Sheekh Mukhtaar Roobow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hoygiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ehelka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu mansuur).

Guddiga ayaa guddoomiyaha la wadaagay cabasho ay ka qabaan sii xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay sheegeen In markii hore xarigiisa loo maray hab sharciga baalmarsan. 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ehelka Sheekh Mukhtaar ay la wadaageen walaaca ay qabaan iyagoo ka codsaday in xoriyadiisa dib loo siiyo.