1 min read

Danjire Tarsan oo ka baxay shir uu ku casuumay Uhurru Kenyatta.

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa la sheegay in uu iskaga baxay kulan casumaad ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata safiirada dalkiisa ku sugan, kadib markii Kenya ay kulanka ku casuntay xubno ka socday Somaliland, gaar ahaan u qaabilsanaha dalka Kenya, kaas oo ay u aqoonsatay Safiirnimo.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa si weyn ugu xumaaday, kadib markii lays bar-bardhigay Kuraasta ay fariisanayeen labada dhinac, iyadoo madasha la keenay Calanka Soomaaliya iyo kan Somaliland oo isbarbar-yaala.

Taasi ayaana lagu macneeyay in ay ka dhigan tahay in dowladda Kenya ay u aqoonsatay Somaliland dal kamid ah dalalka ay casuuntay safiiradooda, taas oo ay si weyn ugu carootay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dhambaal deg deg ah uu soo gaarsiiyey Villa Soomaaliya, taas oo ay safaarada Soomaaliya ku cadeynayso ficilada Kenya ee ka dhan ah madax banaanida dalka.

Muddo 5 sano iyo bilooyin oo uu xukunka dalka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa xumaa Xiriirkii dowladda Kenya ay la lahayd dhigeeda Soomaaliya sababo la xariira ku xadgudubka Dhulka, Hawada iyo Badda Soomaaliyeed, taas oo ay Xukuumadda Muqdisho ku hakisay xariirka kuna diiday ficilada Kenya ee hareer-marsan sharciyada caalamiga ah.