1 min read

Yey yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee ku xiran Somaliland?

Xisbiga mucaaradka Waddan ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen xariga sharci darrada ah ee loo geystay xubno ka tirsan mucaaradka, qaar kamid ah taageerayaashooda iyo weriyeyaal.

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay ‘in xukuumadda ay rasaas nool nool u adeegsadatay dad shacab ah oo aan hubeysneyn’ kadib Khamistii oo ay mucaaradka dibadbaxyo ka dhigeen magalaada Hargeysa.

Warar ayaa sheegaya in siyaasiyiinta ay ku xiran yihiin xabsiga Mandheera.

Haddaba waa kuwee siyaasiyiinta xiran:

1. Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarje, oo ka mid ah guddoomiye ku-xigeennada Waddani.

2. Mawliid Qaro guddoomiyaha gobolka maroodijeex ee Xisbiga Waddani.

3.Mawliid Muuse Dacar Xoghayaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Waddani.

4. Maxamed Faarax, xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Waddani.

5. Cabdillaahi Cukuse, wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

6. Yuusuf Kayse xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID

7. Cabdiraxmaan Maxamuud(Cabdi Sigis) guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta Gobolka Maroodijeex